RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen jaaliyadda Waceysle oo lagu qabtay magaalada London.- 26 Aug 2008
waxaa la daabacay Tue 26 Aug 2008 10: 22: 28
Kulankan ayaa looga hadlay arimo ay ka mid ahaayeen midnimada & horumarinta beeshaas.

 


 


 


 


Shir aad u u balaaran oo ay kasoo qeybgaleen waxgaradka, aqoonyahanada culumaa’udiinka, dhalinyarada & haweenka jaaliyadda Waceysle ee UK ayaa lagu qabtay malaagadala London.



Maxamed Xaaji Cali




qaar ka mid ah dhalinyarada qabanqaabisay kulanka


Kulan oo ay soo qabanqqabiyeen naadiga dhalinyarada waceysle ee UK ayaa waxaa ujeedada kulankaasi uu ahaa, mideynta Beelweynta Waceysle, & ka saarista madmadowyada, iyadoo halkaasi la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii loo xoojin lahaa midnimada beesha.





Kulan ayaa waxaa ka horeeyay kulamo kale oo uu hormuud ka ahaa Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah aqoonyahanada beesha, ahaana mid ka mid ah mas’uuliyiintii xilalka kasoo qabtay dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, isagoo xilalkii uu soo qabtayna ay ka mid ahaayeen Gudoomihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliyeed.




qaar ka mid ah dhalinyarada qabanqaabisay kulanka


Kulamadaas oo hor dhac u ahaa kulankan Balaaran ee la qabtay 24-kii Agoosto 2008 ayuu Mudane Maxamed Xaaji oo ku nool Mareykanka wuxuu kulamo gaar gaar ah  lasoo yeeshay jilibyada beesha ay ka koobantahay, isagoo kasoo bilaabay kulamo uu sheegay inuu lasoo yeeshay beesha cali-gaaf oo uu kula kulmay dalka Swedan iyadoo ugu dambeyntiina lagu balamay in kulankan la iskugu yimaado si loo falanqeeyo arimo fara badan oo kala gedisan oo ay ugu muhiimsaneyd Mideynta Beesha, ka saaridda madmadowga.



 


Aaydo quraan ah oo shirka lagu furay kadib, waxaa hadalkii qaatay Mudane Maxamed Xaaji Cali oo halkaasi qudbad uu ka jeediyay ugu horeyn u mahadceliyay dhalinyaradii isku xilqaantan isku keenista dadkii shirka kasoo qeybgalay, iyo sidoo kale kasoo qeybgalayaasha oo uu mahad balaaran usoojeediyay, isagoo dhinaca kalena ka warbixiyay ujeedooyinka uu u yimid UK oo uu ku tilmaamay inay aheyd sidii loo soo celin lahaa sharaftii & karaamadii beeshu ay ku dhexlaheyd bulsho weynta Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la baadi goobayo guud ahaan mideynta Beelaha Abgaal, Mudulood, Hawiye ilaa Soomaali laga gaarayo.





Mudane Maxamed Xaaji waxa uu qudbadiisa ku qeexay inuusan dan gaar ahaaneed ka laheyn howshan ama ha ahaato mid xubin baarlamaan ama mid wasiir intaba, isagoo gunta barnaamijkiisa ku tilmaamay inay tahay sidii looga bixi lahaa qabyaaladda loona gaari lahaa Soomaalinimo, taasoo lagu gaari karo in bulshada si hoose looga soo dhaadhiciyo wanaagga Midnimada.


 


Ugu dambeytiina wuxuu ugu baaqay guud ahaan Beesha waceysle inay u guntadaan sidii loo gaari lahaa Midnimo & Soomaalinimo, lagana dheeraado Xaasidnimo, Ninjecleysi, Xubin-bursi taasoo uu ku tilmaamay inay dadka sii kala dheereyn karto, isagoo ugu duceeyay dhamaan ummadda Soomaaliyeed inuu dhibaatada ka dulqaado.


Mudane Maxamed Xaaji Cali wuxuu ugu dambeyntii ka codsaday beesha waceysle inay soo xushaan beelwalbaba  qof u hadlo kasoo fikirka beeshooda  ka dhiibanaya sida ay u arkaan howshan.


 


Waxaana u kala hadlay beelaha Waceysle  Cumar C/laahi oo u hadlay beesha Haarun, Dhagax tuur oo u hadlay Jabraa'iil, Prof Ciise Max'ud Xalane oo u hadlay C/raxman Salaybaan, Aaden Wardheere oo u hadlay Absuge,Yaasiin Bulsho oo u hadlay Max'ed cade, Maxamed januuni oo isna u hadlay Eybakargaab iyo Marrooyin, Ibrahim Axmed oo igana u hadlay Dhagaweyne, Muxudiin Baroodo oo u hadlay Faqay, Corlnell Gocoso oo u hadlay Caligaaf, Cisman Xaaji Jimcaale oo u hadlay Tolwene Macalin iyo Maxamed Isma'il (Mohamed Eeboow) oo Norway ka yimid oo isna fariin kasiday xubnaha beesha ku dhaqan scandanevianka, kaasi oo qudbad kooban halkaasi ka jeediyay.



Maxamed Ismaaciil (Maxamed Eebow)



Waxaana dhamaan intii meesha ka hadashay isku raaceen inay taageersanyihiin guud ahaan ujeedada shirka.




Cusmaan Xooshey oo ka mid ah naadiga Dhalinyarada Waceysle ee UK oo xiriirinayay kulankan ayaa ka dhawaajiyay in Waceysle guddoonsaday ayidaadda shirkan, waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in Beelwaliba inay soo magacowdo xubin u mataleysa guddi ka shaqeeya Midnimada Beesha Waceysle oo ah beel ka tirsan Beelaha Mudulood.






Waxaana halkaasi ay beel walba ku magacowday qofka gudigaas uga mid noqonaya, Gudigii goobta lagu magacaabay waxay kala ahaayeen:


 


  1- Dr C/qaadir Wehliye (Marrooyin)


  2- Dr Abuukar Max'ed Max'ud(dhagaweyne


  3- Prof, Ciise M Xalane ( C/raxmaan Suleymaan)


  4- C/qadir Muxudin Raage Dhagaxtuur (Jabraa'iil)


  5- Maxamed Siyid Cumar (Maxaa-Cade)


  6- Muxudin Baroodo (Faqay Cumar)


  7- Saciid Cali Madoobe (Cali-gaaf)


  8- Bile Abshir (Eybakargaab) 


  9- Cumar C/lahi(Haarun)


10- Aden Wardhere (Absuge)


& Tolweyne Macalin oo sheegay inay dib kasoo magaacbi doonaan xubinta uga mid noqon doonta gudigaas.


 


Kulankan ayaa waxaa si weyn loogu mahad celiyay Dhalinyaradii qabanqaabisay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:


1. Maxmed Cabdi GUUTAALE  
2. Cali Axmed Joqor (Cali Beerta )
3. Shiikh-Nuur Macalin  (BOOD)
4. Cumar Cali Barqadle 


5. Maslax Cilmi Jalle
6. Saydi Cali Cilmi Rubac 
7. C/qaadir Macalin Maxamuud
8. Cusmaan Cabdi Xoosheey
8. Cabdi Kariin Xuseen Maxamed Kadiye


Kulankan oo ahaa mid si weyn la iskugu afgartay ayaa waxaa ugu dambeyntii dadweynihii kasoo qeybgalay la siiyay fursad 5 daqiiqo ah oo qofkii raba ra’yigiisa ku cabiro, taasoo dhamaan dadkii halkaas ka hadlay ay taageereen kulankan, & iyagoo dhamaantoodba ku taliyay in la xoojiyo midnimada oo qaarkood ay ku tilmaameen mid u baahan inay ahaato salka, isla markaana ay noqoto mid muqadas ah oo lama taabtaan ah.


 


Ugu dambayntii markii lasoo dhameeyay magaacibsta gudigaas kadib ayaa waxaa halkaa kalimad diini ah kasoo jeeday Macalin C/qadir Macalin C/laahi Maxamed joqof wuxuuna sheekha aad uga hadlay Niyada iyo doorka ay ku leedahay camalka qofku qabanayo sidoo kale wuxuu aad u qeexay Qabiilka iyo Qabyaalada, dareenka bahweynta wax badan ayeey ka badashay inta kalimadiisu socotay ilaah haka abaal mariyee intaa kadib waxaa duco iyo faataxo loo maray Ing C/qadir Madaxeey oo ku xanuunsan cariga Jarmalka ilaah caafimaad ha siiyee aamiin.


 



 


Waxaa Diyaariyay


Cusmaan Cabdi Xooshey


                 &


Sh Nuur Macalin (Bood)


 


 


ceelqaboobe.com


webmaster@ceelqaboobe.com 


 


wixii aragtidiina ah ee ku aadan kulankan kusoo hagaaji E-mail-ka midnimo73@hotmail.com



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 3
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.