RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

Dugsida sare ee degmada Ceeldheer oo xarigga laga jaray. (fiirso sawirada xafladda)- 26 Aug 2008
waxaa la daabacay Tue 26 Aug 2008 11: 56: 58
Warbixin aan idinkaga diyaarinay taariikhda degmada & xafladda furitaanka (Fiirso Sawirada)

 


 


Inta aanan u guda gelin warbixinta xafladda furitaanka,  waxaan jeclaanlaheyn inaan wax yar ka taataabano taariikhda degmada:


 


Magaalada Ceeldheer waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka Qadiimiga ah ee lagu xasuusto Degmooyinka kala duwan ee Gobalka Galguduud waxa ayna dacalka ku heysaa Xeebta dheer ee Badweynta Hindia.


 


Degmada Ceeldheer waa Magaalo aad u Quruxbadan,islamarkaana leh Dhismayaal iyo Muuqaalo soo jiidanaya Indhaha Qofkii taga halkaasi, Magaaladu waxa ay leedahay Xarumo Waxbarasho oo loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan Ubadka kunool Degmada Ceeldheer iyo Tuulooyinka ku xeeran.



Magaalada Ceeldheer Dhawaan waxaa laga hir geliyay Dugsi Sare oo ku fadhiya Dhul aad u baaxad weyn oo ku yaal Magaaladaasi waxaana loogu talo galay in ay wax ku bartaan Ardada kala duwan ee ku nool Degmooyinka gobolka Galguduud, sida Galcad, & Tuulooyin kale ee ka tirsan gobolada Shabeelada dhexe iyo  Mudug oo deris la  ah Galguduud.



Degmada Ceeldheer waxa ay hore u leheyd Dugsi Hoose/dhexe iyo Xarumo lagu Barto Qeybaha Cilmiga Diinta Islaamka, waxaana kusugan Degmada Ceeldheer xiligaan Rag dhalinyaro ah oo Aqoon durugsan u leh Cilmiga Diinta Islaamka waxaana ka mid ah Sheekh Cabaas Sheekh Xuseen Rooble, Sheekh Maxamed Daa’uud,Sheekh Daa’uud,  Sheekh C/laahi Maxamed (Joqof) iyo kuwo kale oo intooda badan Diyaar u ah in ay wax baraan Ubadka Degmada Ceeldheer.



Ceeldheer waa Magaalo leh Xadaarad Diimeed waxaana Magaali Saldhig u ah Culimaa’diin Caan ka ah Soomaaliya Sida Macalin Nuur Maxamed Siyaad,Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig),taas ayaana keentay in ay naqato Meel ay kusoo hirtaan Dadka raba in ay Bartaan Diinta Islaamka iyo dadka Ubadkooda la jecel Waxbarashada,kuwaas oo uga kala yimaada Deegaano ka Fog-fog Degmada Ceeldheer.



Wakiilo ka socda Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Dalalka Dibada ee ka soo jeeda Degmada Ceel dheer ayaa dhawaan waxa ay Booqdeen Ceeldheer waxa ayna halkaas uga qeyb galeen Xaflad lagu Maamuusayay Furitaanka Dugsiga Sare ee Degmada Ceeldheer oo dhawaan halkaas ay ka hirgeliyeen JaaliyadaBeesha Waceysle ee kunol Dalalka Yurub iyo Ameerika waxaana Xubnahaas ku Guuleysteen in ay Xariga ka Jaraan Dusiga Sare ee Degmada Ceeldheer.



Mas’uuliyiintii ka socotay Jaaliyada Beesha Waceysle ee tegay Degmada Ceeldheer ee Albaabada u balaqay Dugsigaasi waxaa ka mid ahaa Xaaji Cali Maxamuud Guuleed (Cali Adoon) Daahir Max’ud Maxamed Geesoweyne,Ciise Cibaar Cismaan iyo C/laahi Cumar Xasan, kuwaas oo ka kala yimid Dalalka  Ingiriiska iyo Norwey.



Ugu Horeyn halkaas waxaa ka hadlay Xubnihii ka socday Jaaliyada Dibada kunool sida Xaaji Cali Adoon, Ciise Cibaar, Daahir Geesaweyne iyo C/laahi Cumar Xasan kuwaas oo  sheegay in Dugsiga Sare ee Degmada Ceeldheer Ahmiyad weyn u leeyahay Dadka kunool Deegaamada ku dhow dhow Ceeldheer iyo nawaaxigeeda,islamarkaana laga donayo dadka Degmada Ceeldheer in ay Ubadkooda uga faa’iideeyaan  Shcoolada loo dhisay.



Munasasabadii Furitaanka Dugsiga Sare Degmada Ceeldheer waxaa sidoo kale ka hadlay Odayaal,Culimaa’udiin,Ganacsato,Haween iyo Aqoonyahano kamid ah kuwa Degmada Ceeldheer waxaana ka mid ahaa Maxamed Axmed Jimcaale (Bali),Maxamuud Cali Yuusuf,Ibraahim Sheekh Axmed Caraay (Budhugo)Cali Aybakar Shadoor,Maxamed Cali Waalow,Sheekh Maxamed Daa’uud Afarx Farey,Dahabo Cali Geedi Shadoor dhamaan xubnahaasi waxa ay u mahad Celiyeen Xubnihii Wakiilada Jaaliyada Beesha Waceysle ee ka qeybgalay Munaasabadii Furitaanka Dugsiga Sare ee Degmada Ceeldheer waxa ayna ka dalbadeen Xubnahaasi in ay sii laba laabaan Dadaalkooda ku Aadan Wax u qabashada Deegaanada ay ku nool yihiin Dadka ay ku Abtirsadaan,islamarkaana Salaan Diiran ka gaarsiiyaan Dadkii ay ay Wakiilka ka ahaayeen ee ku kala nool Dalalka Yurub iyo Ameerika.



Xafladii Furitaanka Dugsiga sare Degmada Ceeldheer waxaa ka qeybgalay Dadweyne aad u farabadan,kuwaas oo aad ugu faraxsanaa DugsigaSare ee laga hirgeliyay DegmadaCeeldheer oo markii hore  dadka deegaankaas ay dhibaato ku qabeen Caruurtooda ka baxda Dugsiyada hose Dhexe ee Deganadaas in ay Waxbarasho Sare ugu raadiyaan Magaalada Muqdisho oo Ceeldheer u jirta Masaafo dhan 340 KM.



Gebagebadii Furitaanka Xaflada Iskoolka sare waxaa Xaflad Qado Sharf ah loo sameeyay Xubnihii Jaaliyada Beesha Waceysle ee halkaas tegay waxaana la geeyay Guri Dabaq ah oo aad u Qurux badan oo uu Degmada Ceeldheer dhawaan ka dhisay Nin Ganacsade ah oo lagu Magacaabo Axmed Nuur Faarax kana mid ah Mas'uuliyiinta Shirkada Isgaarsiinta Nation-link ee Dalka Soomaaliya.




Qado Sharftii loo sameeyay Mas'uuliyiintaas ka dib waxaa bilowday Wadahadalo ku aadan siii looga Arinsa lahaa Midnimada Beesha, wax wada qabsiga, Hirgelinta Nabada, Dib u dhiska Magaalooyinka Gobalka Gal guduud ay ka degaan iyo sidii loo Baadi goobi lahaa waxyaabaha horumarka u ah Bahda Deegaanadaas,taas oo ay sheegeen in ay ugu weyntahay helitaanka Gobalka Mareeg, Deked iyo Degmooyin uu yeesho Gobalka la doonayo in loo helo Mareeg waxaana Bilowday in la dhiso Meelo hore u ahaa Tuulooyin sida Magaalada Dur-Dur oo dhawaan laga dhisay Dhismayaal aad u qurux badan oo soo jiidanaya Indhaha Dadka.



Magaalada Dur-Dur oo haatan Noqotay meel ay  Degmo u diyaarinayaan Beelaha la isku yiraahdo (Qalaw-joog) kuwaas oo isku raacay Magaalada Dur-dur in ay naqato Degmo hadii la helo Gobolka Mareeg oo xiligaan Baadi goob xoogan ay ugu jiraan Siyaasiyiin kala duwan.


SAWIRADA OO DHAN HOOS KA FIIRSO


Warbixin kale oo ku saabsan degmada cusub ee  DUR-DUR ayaan idiin soo gudbin doonaa mar dhow INSHA ALLAH
















Xafiiska Ceelqaboobe.com


Mogadishu, Somalia


calidhuux86@hotmail.com


webmaster@ceelqaboobe.com



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 4
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.