RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

Eedeynta badan qalbiga ayay dili kartaa.- 26 May 2008
waxaa la daabacay Mon 26 May 2008 08: 13: 50
Waalidiinta, mararka qaarkood hadaladooda ama faaladooda ku aadan caruurtooda waxay saameyn caksi ah ku yeelan kartaa caruurtooda, qoraalkan hoose wuxuu faahfaahin ka bixinayaa qaabkaas xun & sida looga hortagi karo.

FARXADDA CARUURTA:

“Hooyo! Aabe! Fiiri waxa aan sameeyay” ilmihii oo wejiyadoodu ay farxadi ka muuqato oo u cararaya xagga waalidkood si ay u tusiyaan howsha gaarka ah ee ay sameeyeen, waa wax maalin walba dhaca isla markaana si aad ah muhiim u ah.

Howshaas ay qabteen ee ay gacanta ku hayaan waxa ay ahaan kartaa feegaar ay sameeyeen ama ay rinjiyeeyeen, kaar ay sameeyeen, ereyo ay qoreen, ama xataa waxay noqon kartaa warbixin ka timid macalinkooda iskoolka, wax kasta oo ay ahaataba, waa wax ay ku faraxsanyihiin oo aysan sugi karin inta ay ka tusinayaan Hooyo & Aabe.

SI QALAD AH OO LOO WAJAHO FARXADDAAS CARUURTA:
Waxyaabaha ay waaliddiintu sameeyaan xaaladahan oo kale waxay saameyn xooggan ku reebi kartaa nolosha caruurtaas faraxsan, mararka qaarkood waxay waalidku si degdeg ah u bilaabaan cabasho & in wax walba qalad uga dhex muuqdo,“ha I qasin waqtigan! Waan mashquulsanahay!” IWM ayaa laga yaabaa inay yiraahdaan, ama waxay waalidku bilaabaan wax ka sheegid qaabka wax uu u qoray canugu. Muuqalku ma wanaagsan! Ereyada sidii la rabay uma qurxana!, waxay aheyd inaad wax walba sidii laga rabay ka dhigtid..B’daasi ma wanaagsana qaabka aad u qortay IWM.

Canugii oo qalbi jabay oo madaxiisu hoos u raaraco ayaa goobta ka dhaqaaqaya, laga yaabee inuu iskaba dhaafo wax walba oo horumarin kari lahaa, haddii ay ahaan laheyd farqoraalka, shaqada iskoolka ee uu isku dayay inuu wanaajiyo isla markaana sida adag uga shaqeeyay intaba ma noqon mid dhameystiran, maxaad mar dambe iskugu dhibeysaa ayuu qalbiga iska leeyahay amaba iska dhihi karaa markaas.?!!

Xaqiiqadii, qiimeynta & in dhinaca wanaagsan oo wax laga tilmaamo, ayaa mararka qaar lagama maarmaan u ah barista caruurta sida marka xiga loo wanaajiyo howsha uu qabtay markaas.

Si kastaba markaas run ahaantii waxaa aad muhiim u ah in la aqoonsado dadaalka caruurteena, intii wax laga sheegi lahaa qaladaadka ka soo baxay wixii ay sameeyeen oo ayaga dadaal ka ahaa.

Haddii caruurta farxaddoodaas ee waxbarashada & isku dayga ah laga horgeeyo wax aan u qalmin, weliba xiliga ay da’doodu yartahay, oo bilcaksi & eedeymo iskugu jiro, waxay ahaaneysaa dhib in dib loo soo cusbooneysiiyo farxaddoodii.

Haddii dhinaca kale ay waaliddiintu bilaabaan shaqo wanaagsan & inay dhinaca wanaagsan ka fiiriyaan howshii ilmuhu qabteen iyo dareen soo dhoweyn ah, taasi waxay dhiiri-gelineysaa caruurtu inay wax dheeri ah sameeyaan, fursaduhuna waa kuwa noqonaya in canugu sii wanaagsanaado kuna wanaagsanaado waxa uu sameynayo.

QAABKA WANAAGSAN EE LOOLA MACAAMILO FARXADDA CARUURTA:
Waqtiyeyn waa u muhiim arintan, waalidiintu waa inay bartaan inay aqoonsadaan calaamadaha, mararka qaar caruurtu waxay rabaan inay waalidka tusaan wixii wanaagsan ee ay sameeyeen si ay markaas iyaguna badalka u maqlaan in la sheego sida ay u wanaagsanyihiin waxa uu sameeyay canugu, xaaladahan oo kale farta ku god oo muuji, isla markaana dhinaca wanaagsan tusi marka hore, kadib tusi meelaha qaar ee ka qaldan, una soo jeedi ama u sheeg qaabka ay ku sixi karaan.

DHIIRIGELINTA CARUURTA MARKA AY GUUL GAARAAN:
Caruurta ka fiiri dhinaca wanaagsan oo dhiiri-geli.
Mararka qaar, caruurta waxaa laga yaabaa inay fahmaan in wax ka qaldanyihiin howshooda, waxayna markaasi doonayaan in waalidkoodu u sheego qaabka ay u hagaajinkaraan, hadii ay raadinayaan caawimaad, xiligaasi waa marka ugu wanaagsan oo la tusiyo iyadoo la adeegsanayo qaab wanaagsan oo aan qalbi jabineyn, mar walba ka fiiri dhinaca wanaagsan isla markaana dhiiri-geli marka hore, wax ka sheegiddu waa inay yartahay, oo talo niyad ahaan ah la siiyaa.

MAYA DHALIIL:
Caruurtu badanaa waxay aaminsanyihiin nafsad ahaantooda haddii la weydiiyo bal haddii ay sameyn karaan sawir, tusaale ahaan, waxay inta badan yiraahdaan, HAA!! Waa sameyn karaa, waxay ku kalsoon yihiin awooddooda, si kastaba haddii waalidku dhaliilo oo niyad jabiyo, isla markaana ciyaar-ciyaar laga dhigo dadaalkoodii, waxay dhuminayaan kalsoonidoodii.

Ugu dambeyntii waa mas’uuliyad saaran waalidka inay marwaxad ku daaraan holaca farxadda caruurtooda si iftiinku ugu kordho, MAYA! Inay iftiinkaas banaanka dhigaan ama damiyaan.

Daahir C Socdaal.


Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 2
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.