RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

Maxaad kala socotaa degmada cusub ee DUR-DUR ee u dhaxeysa Xarardheere & Ceeldheer- 09 Sep 2008
waxaa la daabacay Tue 09 Sep 2008 08: 10: 17
dhismooyinka degmada Dur-dur oo si xowli ah u kordhaya, iyadoo halkaasi laga hirgeliyay Iskool, Saldhig Boolis, Isbitaal, Guriga Gudoomiyaha, Masaajid & waxyaabaha aasaasiga u ah degmo. (FIIRSO SAWIRADA)

 


 


Tan iyo wixii ka danbeeyay Bur-burkii ku dhacay Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa jiray Dhibaatooyin xoogganaa oo heystay Dadka, Xoolaha iyo Deegaanka, waxaana meesha ka baxay Adeegyadii Bulshada ee ay Dabooli jirtay Dowladii Xiligaas jirtay,taasi waxa ay keentay in ay is xil qaamaan una istaagaan sidii ay u maareyn lahaayeen wax ka qabashada baahida taagan, Qurbo joog is biirsaday oo ka dhiidhiyay wax ka qabashada dhibaatada maanta heysata Dadkii iyo Deegaankii ay kasoo jeedeen, waxa ayna goosteen in ay Safardheer iyo Dhaqaalo badan u huraan wax ka qabashada Baahida jirta,gaar ahaan mida ka taagan deegaanada ay kasoo jeedaan Asal ahaan.



Dhawaan Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Dalka Soomaaliya waxaa Socdaal ku yimid Rag kamid ah JaaliyaDda Beesha Warculus/Waceysle Abgaal oo ka kala yimid Dalalka Ingiriiska iyo Norwey oo kamid ah Dalalka Yurub waxa ayna Soomaaliya u yimaadeen sida ay sheegeen in ay wax ka qabtaan Dhibaatooyin ka jira Gudaha dalka, Gaar ahaan Deegaanada ay ku Abtirsadaan, Iyagoo howshoodii ugu horeysay ka bilaabay iskuxirka iyo isku keenida Guud ahaan Waxgaradka Jufooyinka kala duwan ee Beesha waceysle.



Xubnahaas waxaa u suura gashay intii ay joogeen Magaalada Muqdisho in ay arkaan meelna isugu keenaan inta badan Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Akhyaartoodii kala duwaneyd, kadibna ay u sheegeen una sharaxeen Ujeedada Socdaalkooda iyo waxa ay doonayaan in ay ka qabtaan deeganada ay kasoo jeedaan, Dadkana u sheegaan in la baadi gobo sidii lagu heli lahaa Midnimo iyo wax wada qabsi Run ah, loona sheego dadka in wax lagu waayay Walaaltinimo aan Khilaaf iyo isnaceyb lagu gaareyn, Iyagoo kula taliyay Dadkii ay la kulmeen in ay yeeshaan iska warqab joogto ah,islamarkaana la yimaadiin wanaag, oo Allaah Abuurtay ay ka Cabsadaan,Ragaas kamid ah Jaaliyada Beesha Waceyle waxay suura geliyeen Maalmo kooban Fadhiyo badan oo ay isugu yimaadeen Mas,uuliyiin isugu jirtay Odayaasha,Ganacsatada,Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beesha ay ku Abtirsadaan ee Waceysle waxaana fadhiyadaas lagu sameeyay Gudiyo gaar ah oo Booqda Safarna ku taga Deegaanada ay Deganyihiin Beelaha la isku yiraahdo QALAW JOOG.



Mas’uuliyiintii Jaaliyada iyo Gudigii Odayaasha Beelaha Qalow joogeed oo uu Hogaaminayay Gancsadaha Caanka ah Xaaji Cali Adoon Xubnana ay ka ahaayeen Ciise Cibaar Daahir Geesa weyne C/laahi Cumar Xasan Afey,Nabadoon Ciise Macalin Aadan,Daahir Yool,Muuse dhegamadow,Cumar Fartaagte,Sheekh Yuusuf Dheere,Sheekh Maxamed Daa’uud,Yaasiin Afrax Farey,Maxamed Cosoblle,Oofey,Cismaan Cago laab,Maxmed Xuseen Cali (Juge-juge) waxa ay Magaalada Muqdisho ka socdaaleen 12-08-08 Maalin talaado ah Saacaduna ay eheed 10-30 Barqanimo,in kastoo Cadceedu ay kululeed hadana waxaa Saacidayay Safarka Gaadiid yar ayr oo ay sarnaayeen ahaana kuwo aad u dheereeya Casir gabkii ayaa Safarku ku aaday Xarunta Degmada Cadalle ee Gobalka Shabeelada Dhexe.



Salaadii Maqrib kadib ayay safarkii ka dhaqaajiyeen Cadalle Meel aan ka fogeyna waxaa ku galay Maqribkii halkaas oo lagu Dukaday,kadib waxaa ay raaceen Gaadiidkii ay wateen oo gaarayay ilaa iyo Afar Baabuur, wixii ay socdaanba iyada oo aan dhinac dhul aysan dhigin ayaa Salaadii Subax Dushooda ka dhalatay, waxaana ay ku dukadeen meel aan sidaas ugu Fogeyn Tuulada Mesego-waay oo ah Magaalo Qadiimi ah oo leh Xarumo Diimeedyo aad u balaaran, islamarkaana ay Deganyihiin Culimaa’udiin aad loogu Ixtiraamo Fidinta Diinta Islaamka, Magaalada oo ay safarku ku aadeen waqti 6-dii Aroornimo Salaadii Subax kadib ah ayaa Safarkii waxa ay sii mareen si ay u Salaamaan Sheekh Caamir Xaaji Ibraahim Yare iyo Sheekh C/laahi Maxamed Joqof oo Fadhigoodu yahay Magaaladaas Mesegawaay.




Xubnihii Safarku waxa ay ugu horeyn booqdeen,islamarkaana salaameen Sheekh Caamir,kadibna waxa ay usii gudbeen Macali C/laahi Maxamed Joqof Salaan iyo ismarxabeyn badan kadib waxaa ay usii gudbeen Magaalada Ceeldheer 8-dii Aroornimo ay ku aadeen, waxa aan ku degeen Guriga Macalin Nuur Maxamed Siyaad halkaas ayaa waxaa loogu soo dhaweeyay si aan la qiyaasi karin wanaageeda.



Marti qaad dheer ka dib Safarku waa daalanaayeen, waxaa na loo Firaashay Qolal kala duwan oo kamid ah Guryaha Macalin Nuur ee Degmada Ceeldheer halkaas ayayna ku waaberiisteen.



Maalintii khameesta 14 Bisha waxaa Safarkii isku qeybiyay 2 Qeybood-Labo Baabuur oo ay lasocdaan Xubnihii Jaaliyada Dibada iyo Qaar kamid ah Odayaashii Safarka kamid ahaa oo ay ka dhexmuuqdeen Xaaji Ciise Macalin Aadan,Yaasiin Afrax Farey,Maxamed Cosoble iyo Xubnihii Jaaliyada oo ay ka mid ahaayeen Xaali Cali Adoon, Ciise Cibaar Cismaan, C/laahi Cumar Xasan iyo Daahir Maxamud Maxaamed Geesaweyne waxa ay aadeen Magaalada Cali yabaal oo Qiyaastii 20KM Dhanka Galbeed uga began Degmada Ceeldheer, taasoo qeyb ka aheyd safarka wafdiga, si ay usoo arkaan xaaladda Tuulada Caliyabaal, Mas’uuliyiintas markii ay tageen tuulada Cali yabaal waxaa qaabilay oo ay halkaas kula kulmeen Odayaal iyo Waxgarad kamid ah dadka degaanka Magaalada Cali yabaal oo ay ka mid ahaayeen Cirbad Xaaji,Cumar Agoon,Ibrahin Raage Shariig,C/laahi Cali Wardheere Doodshe iyo Mas’uuliyiin kale Oo Caan ka ah Deegaanka Magaalada Caliyabaal.



Dhamaan Labadi dhinac ee ku kulmay Tuulada Cali yabaal waxa ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin iyo Mashaakilaad halkaas ka jira oo ay ugu horeyso Biyo la’aan, Odayaashii deegaanka ayaa waxa ay sharaxaad dheer ka bixiyeen dhibaatada Meesha ku heysata iyo waxa ay doonayaan in laga kaalmeeyo oo ay ugu horeyso in loo Qoddo Ceel ay Biyaha ka dhaansadaan, iyadoo ceel hore oo ku yaal Caliyabaal ay bihiisu dhanaan noqdeen, taas oo ay Garowsadeen dhamaan Xubnihii Safarka ee halkaas tegay, laguna war geliyay dadka deegaanka in wax laga qabanayo Baahida halkaas ka taagan oo ay ugu horeyso sidii lagu heli lahaa Biyo Dadka iyo Xoolaha Deegankaas ay ku noolaadaan.



Magaalada Caliyabaal waxa ay leedahay oo ku yaal Labo Baraagood oo ay kala Qodeen Cirbad Xaaji iyo Maxamed C/lle Xirsi oo Xiligaan haawanaya Biyo la’aan darted, Dood dheer iyo Falanqeyn kadib waxa ay isku raceen dhinacyadaas in Marka hore Bisha Barakeysan ee Ramadaan Booyad Biyo u dhaamisa Tuulada Caliyabaal Muqdisho looga soo kireeyo si Baraagaha Biyo loogu Shubo Dadka Tuuladaas inta ay ka gaarayan Xili roobaadka ama Ceel looga Qodayo Meesha ay degan yihiin,taasna waxa ay kamid aheyd wax yaabihii la isku Afgartay.





Tuulada Caliyabaal ayaa waxaa hore looga qoday ceel kaas oo lahaa matoor, hase yeeshee nasiib daro ay biyihii ceelku noqdeen kuwo dhanaan ah, waxaana halkaas la isku raacay in muhiimmadda koowaad ee tuulada ay tahay in la helo cel biyo macaan, iyadoo nasiib wanaag uu halkaasi uu mid ka mid ah xubnaha jaaliayadda dibadda oo lagu magacaabo C/llaahi Cumar Xasan uu ka sheegay inuu muddo ahba ku howlanaa sidii uu Caliyabaal loogu heli lahaa ceel biyo macaan, isagoo intaa ku daray inuu hadda heysto balanqaad, kaasoo ay siiyeen hey’ad samafal, uuna ku rajoweynayahay in bilaha soo socda la bilaabo doono qodida ceelka haddii alle idmo.




Intaas ka dib Xubnihii Safarka waxa ay Kormeer Qiimeyn ah ku sameeyeen Masaajid weyn iyo School tuuladaas ku yaal oo xiliyaan u baahan Dayac tir aad u balaaran kormeerkaas kadib waxaa halkaas kasoo Ambabaxay Wefdigii halkaas booqday waxa ayna soo aadeen dhanka Degmada ceeldheer ,haseyeeshee iyaga oo aan ku daahin uga sii gudbay Magaalada Dur Dur oo Qiyaastee 100KM Dhanka W/Barri kaga beegan Magaalada Ceeldheer.





Socod dheer ka dib waxaa Xubnahaasi ay gaareen Magaalada Dur-dur 8-da Fiidnimo oo ay Jimco Soo geleyso in kasta oo Xiligu Habeen ahaa Hadana waxaa Maalmo badan halkaas ku diyaarsanaa Dad aad u farabadnaa oo Magaaladaas u yimid soo dhaweynta Xubnaha Jaaliyada Dibadda ee Deegaanadaas iyo Odayaasha la socda, waxa ayna diyaariyeen wax yaabo ay ugu talo galeen soo dhaweynta Safarka u socda waxaa kamid ahaa waxyaabihii nalagu soo dhaweeyay Fardo lagu soo xardhay wax yaabo Sharaxaad ah,hadal badan iyo Khudbado kama dhicin Goobtaas Habeenkaas, Balse waxaa Xubnihii safarku Salaan Gacan qaad ah dhinac ka saareen Dadkii usoo baxay soo dhaweyntooda waxaana loo sheegay in soo dhaweynta xoogeedu yahay Maalinta Jimcaha ah oo Taariikhdu eheed 15-08-08.



Maalintii Jimcaha waxaa isku yimid dhamaan dadkii Magaalada Dur-dur iyo Ragii Safarka ku tegay halkaas waxaana la kala qaatay Warbixino ku aadanaa Qaabkii Socdaalka Xubnihii halkaas tegay iyo Kaalinta dadka deegaankaas ay ka qaadan karaan Diyaarinta Magaalo u qalanta Degmo oo halkaas laga Diyaarinayay dhismayaasha qaarkoodna ay dhameystirnaayeen kuwo kalena ay Shaqo ku socotay Xiligaas.




Isku soo baxaas ka dib waxaa bilowday in Gaadiid loo kala diro Magaaladana la keeno Odayaasha iyo Waxgaradka taladu ka Go’do ee Beelaha Qalow joogeed kuwaas oo laga kala doonay Magaalooyinka Xaradheere,Burdiir Xalaney Howdley,waaxweyn iyo kuwo kale isku imaatinkoodii kadi waxaa bilowday kulamo gaar gaar ahaa oo u dhexeeyay Wakiiladii ka kala socday Beelaha la isku yiraahdo Qalowjoog.




Shirar saacado badan qaatay ka dib waxaa si Buuxda la isugu raacay in Magaalada Dur-dur Beelahaas oo aan u kala harin ay ugu diyaariyaan Magaalo u qalanta Degmo.



Magaalada Dur-dur Xiligaan waxaa ka dhisan Cisbitaal aad u weyn, Iskool, Saldhig Boolis, Guriga Gudoomiyaha oo ah Villo aad u balaaran, Guriga loogu talo galay in Dumarku ku Cibaadeystaan waxna ku bartaan, islamarkaana ku nastaan hadii ay Magaalada yimaadiin, Magaalada hore waxaa u Diyaarsanaa Ceel biyood Biyihiisu aad u Macyihiin, Ceelkaas oo uu hore u bilaabay allaha u naxariistee Sh Cali Xaaji Xasan muddo qiyaastii 40 sano ka hor ah, hase yeeshee aanan helin dhameystir, balse jaaliyadaha dibadda ee ka soo jeeda degaanka ay dhameystireen 2 sano ka hor ceelkaas, Sidoo waxaa jira Masjid Jiingad ahaa Balse haatan dhismo lagu Bilaabay  &Masjid kale oo dhagax ah iyo Balanbalo Ama Suuq wax lagu kala Iibsado.



Muddo Todobaad ah ka dib waxaa lagu tashaday in la kala diro Dadkii ka kala yimid meelaha fog-fog oo ay kamid ahaayeen Dadkii Muqdisho ka tegay iyo Reer miyigii Deganaa deegaanada ku dhow dhow Magaalada Dur-dur, kadib markii Gudi gaar ah oo sii Maamula Magaaladaas inta laga sameeynayo Maamul Guud oo ay yeelato Magaalada Dur-dur, kuwaas oo ay kamid Yihiin Salaad Cabdi Xirsi, Maxamed Xuseen C/lle Dhigbil, Salaad Cabdi Xirsi  iyo Rag kale oo kamid ah Dadka deegaanka Degmada Dur-dur.



Magaalada Dur-dur in kasta oo dhawaan lagu sameeyay Magaalgelin xoogan hadana waxaa Degan dad aad u farabadan Guryona ka sameystay Magaaladaas, islamarkaana Abuuray Ganacsi yar-yar oo dadka deegankas ay ka Dukaameystaan iyo Meelo lagu Qaxweeyo oo aad u farabadan.



Isku soo wada duuboo dhaqaalo kasta oo la geliyo meel u baahan waxaa laga helayaa Liibaan Aduun iyo mid Aakhiro,sababtoo ah waxaa lanooleynayaa dad,duunyo iyo deegaan dhibaato ku qaba helitaanka Biyo lacabo Caafimaad Waxbarasho IWM.



Baahida ugu weyn ee heysata Dadka Degmada Dur-dur waa Ceelka Biyaha laga Cabo oo aan leheyn wax Waasko Ama Booyada Biyaha lagu Keydiyo ah, Balse waxa uu leeyahay Ceelku Baraago Biyaha mar qur ah ay ka Cabi karaan Qeybaha Xoolaha sida Berked u gaar ah Geela, Mid ay Biyaha ka Cabaan Ariga, lo'oda iyo Dameeraha waxaa kaloo dhisan Baraag ay Dadka Magaaladu ay Biyaha ka dhaansadaan, waxa uuna  Codsaday Macalin Farey oo ah Ninka haatan Gacanta ku haya Ceelkaasi  in Deg-deg loo sameeyo Booyada Biyaha Keydisa si Matoorka Biyaha soo saara uu u Nasto Xoolaha iyo Dadkuna ay Biyo u helaan. HOOS KA FIIRSO SAWIRADA KALE






Xafiiska Ceelqaboobe.com
Muqdisho-Soomaalia
Calidhuux86@hotmail.com
Webmaster@ceelqaboobe.com



Fikradihiina ku aadan kulamadan lasoo gabagabeeyay waxaad ugu hagaajin kartiin E-mail-da midnimo73@hotmail.com ama calidhuux86@hotmail.com



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 5
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.