Tv-ga Channel4 & wargeyska The Mail on Sunday oo baaritaan ku sameeyay arimahaas ayaa warbixin & filim ka sameeyay guud ahaan sida ay ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee dagaalada & abaaruhu halakeeyeen.
Filimkan ayaa 26/05/08 laga fiirsaday Tv-ga Channel 4 ee dalka Britain, kaasoo ay ka muuqatay murugo weyn oo heysta shacabka ku dhaqan Muqdisho, weriyaha Channel 4,oo tegay Muqdisho ayaa barnaamijkan Filimka ah kasoo diyaariyay, waxaana ugu yaabka badnaa waxyaabihii filimkaasi ku jiray, in mas’uuliyiinta DFKG ay yihiin kuwo ay xukumaan Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya sida uu ku tilmaayay weriyaha Channel 4, iyadoo halkaas ka qaata wixii amar ah ee ay wax ku qaban lahaayeen, waxaana la yaab laheyd in si qarsoodi ah filimka looga soo duubay xubnaha Dowladda oo saf ugu jira sidii ay ula kulmi lahaayeen taliyaha ciidanka Itoobiyaanka Col- Gabre oo weriyaha Channel 4 uu ku tilmaamay inuu yahay ninka Muqdisho ugu awood badan, isla markaasna xaruntiisu tahay meesha Muqdisho looga taliyo oo sidoo kale howlaha DFKG laga hago, sidoo kalena ah furaha qofkii loo baahdo in wareysi lala yeesho si uu balan kaaga sameeyo.
INTA KA FIIRSO FILIMKA:
Filimka ka sokow waxaan halka idiinku soo diyaarinay warbixinta qoraalka ah ee kusoo baxday The Mail On Sunday, waxayna warbixintu u qorneyd sidan:
Mid ka mid ah raga Booliska qarsoodiga ah ee loogu cabsida badanyahay Afrika oo ka shaqeyn jiray shirakadda weyn Tesco ee dalka Britain.
Maxamed Warsame Nuur “Darwiish” oo lagu eedeeyay dambiyo xagga dagaalka ee waddanka Soomaaliya ayaa u shaqeyn jiray shirkadda Tesco isagoo usoo maray Agency ama shirkadaha shaqooyinka dad u raadiya, si uu ugu wado baaburta xamuulka qaada oo isla markaana uu soo raro digirta loo wado xarun Suuqyaraha weyn ee Tesco ay ku leedahay meel ku dhow Daventry, Northants ilaa 2006-dii.

Gen. Darwiish.
Isha sawirka: The Mail On Sunday
Hadda waa Generaal, ahna madaxa hey’adda nabadsugidda qaranka (NSA), oo u dhiganta CIA-da Mareykanka, taasoo mas’uul ka ah xiritaanka & baarintaanka dadka lagu tuhmo inay argagixiso yihiin, waa sida warbixintan ay diyaariyeen Tv-ga Channel4 & wargeyska The Mail on Sunday ku qorone.
Hey’addani waxaa lagu eedeeyay inay si aan shari aheyn xabsi , cadaadis & weliba ciqaabo adag u marsiiyaan boqolaal Soomaali ah, isla markaani sameeya howlgalo cadaadis xoog ah ama caburin ah.
Baaritaanka The Mail on Sunday iyo Channel 4 ayaa waxay heleen xog ah in qoyska Darwiish inay ku nool yihiin caawimaada guriyeynta ee magaalada Leicester ee dalka Britain.
Baaritaanku wuxuu soo ogaaday inuu isagu ka mid yahay tiro hogaamiyaasha Soomaalida ee lagu xiriirinayo eedaymahan xagga dambiyada dagaalka ah inay ku xiranyihiin Britain.
Qar ka mid ah xubnaha Dowladda FKG ayaa la rumeysanyahay in xataa la siiyay dhalashada British-ka, lacagaha dowladdu bixiso ee Soomaalidu u taqaano Ceyrta iyo weliba kirada guryaha ay deganyihiin.
Dhamaantood waxay si joogto ah ugu safraan Soomaaliya & Britain oo qoysaskoodu ku nool yihiin inta ay iyaguna u dagaalamayaan dowladda Ingiriisku taageero ee uu madaxweynaha ka yahay Col-C/llahi Yuusuf Axmed kaasoo lagu eedeeyo inuu kicinayo dagaal qabiileed.

Col-C/hi Yuusuf
Madaxweynaha naf ahaantiisa ayaa xiriir dhow la leh dalkan Britain iyadoo 1996-dii naftiisa la badbaadiyay, kadib markii Beerka loogu bedelay isbitaalka Cromwell Hospital eek u yaal London, wuxuuna si joogto ah u yimaada isbitaalka, si xaaladdiisa caafimaad loola socdo, isagoo markaasi la jooga qaraabadiisa oo degan xaafadda Kilburn ee Waqooyi-Galbeed London.
Ku xigeenka taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Axmed Xaashi Taajir oo markiisii hore ka yimid dalka Holland, muddo lix sano ahna ku noolaa Magaalada Birmingham ee dalka Britain, halkaas oo uu u shaqeyn jiray shirkad xagga biraha Baabuurta.
Qoyskiisu waxay weli deganyihiin Spark Hill oo ku taal Birmingham halkaasoo ay ku noolyiin lacagta kabitaanka maadaama uu isagu mushaar ka qaato Bolis ahaanta taasoo ay dowladda Britain qeyb ka bixiso iyadoo loo marayo barnaamij Qaramada Midoobay ah.

Gen.Axmed Taajir
Waxa uu yiri “6 sano ayaan Birmingham joogay, waa meel ka furfuran Holland.. haa England waa meel aad u furfuran..haa, waxaana qaadan jiray mushaar fiican 1,500 (lacagta Britain ah) afartii todobaad”
Sidoo kale gunnooyin dheeri ah, iyo weliba lacagta kabitaanka ee lasiiyo dadka shaqeeya.
Wasiirkii hore ee Dowladda FKG Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) wuxuu heystaa dhalasahada British-ka, guri & weliba qoyskiisa oo degan Leytonstone, oo ah bariga London.

Gacmo-dheere
Isha Sawirka: Reuters.
2007 wuxuu amray in aanay wax mucaawino caalami ah la bixin karin iyadoon dowladdu baaritaan ku sameyn, talaabadaas oo Qaramada Midoobay ay ku sheegatay mid aan loo baahneyn, oo horjoogsatay in gargaar raashin & caafimaadba la gaarsiiyo in ka badan Milyan qofood oo qaxooti ah.
Taliye hore oo xagga meleteriga ah, Afhayeenka madaxweynaha & kuwo kale ayaa sidoo kale loo maleynayaa inay degaan & qoysasba ku leeyihiin Britain.

Isha warka Mail Online, May, 24, 2008
→Aqriso warbixintan oo English ah.