Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay baaritaan ku ogaatay in mucaawinada aanay gaarin dadka baahan, ayna ogolaan karin inay arintaasi sii socoto (FIIRSO BARNAAMIJ LAGA SAMEEYAY)
Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay inay mucaawinada gobolka Soomaalida Itoobiya ee Ogaadeeniya u isticmaalaan qaab Meletari.
Jonathan Rugman oo ah weriye ka tirsan telefishinka Channel4 ee dalka Britain oo kasoo waramayay gobolka Soomaalida ee ay Itoobiya xukunto ayaa soo bandhigay warkan ku saabsan tacadiga la sheego inay dowladda Itoobiya u geysato dadka asalkoodu yahay Soomaalida ee ay iyagu xukumaan.
Weriyaha ayaa sheegay inuu helay caddeymo qeexaya sida ciidanka Itoobiya ay u jirdilaan ragga iyagoo kasoo lalmiya geedo, sidoo kale kufsada dumarka.
Filimkan ayaa waxaa ka muuqda dhibaatooyin ay muuqato inay u gaar tahay dhulka Soomaalida & dadka Soomaalida ahba.
Marka aad fiirsato filimkan ayaa wax walba waadax kuu noqon doonaan.
MEESHAN HOOSE KA FIIRSO FILIMKA
