RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

BUUG-CUSUB “Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” maansooyinkii abwaan Maxamad Gacal Xaayoow.- 22 Sep 2008
waxaa la daabacay Mon 22 Sep 2008 15: 34: 28
Qeybtii koowaad ee suugaantii Maxamad Gacal Xaayoow oo ka kooban 25 maanso oo isugu jira gabay, guuroow, shirib, masafo, iyo geeraar.

 


 


HAMBALYO


 


“Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” waa buug cusub oo lagu soo aruuriyay maansooyinkii abwaankii aad wada taqiinneen ee Maxamad Gacal Xaayoow.  Waana qeybtii koowaad ee suugaantii Maxamad Gacal Xaayoow oo ka kooban 25  maanso oo isugu jira gabay, guuroow, shirib, masafo, iyo geeraar.  Maansooyinkaas ayaga ah oo intooda badani ku saabsan yihiin kuwii uu abwaanku tiriyay 18kii sano ee dagaallada sokeeye, waa maansooyin aad u qiimo leh oo tilmaamaaya taariikhinaayana dhacdooyinkii xilligaas asaga ah, kuwaas oo marka aad akhriso kuugu muujinaaya xaaladda ay ka hadlaayaan sidi muraayad oo kale ama kaa dhigaayaba sidi qof joogay meeshi ay ka dhacaayeen.  Waxaana ka mid ah gabayada noocaas ah haddii aan wax uga soo qaato,  -tusaale ahaan- gabaygii Su’aal Furan oo uu tilmaan ka bixinaayay sida jidgooyeyaashu (isbaarooleydu) ula dhaqmaan dadka:



Su’aal furan


“Suluf iyo abaar baa dhiciyo sabin colaadeede


Dadki sabir iyo iimaan la’aan lagu siyaaddeeye


Seef iyo ninkii faal sur weyn subixi soo qaatay


Ee surun istaagee qofkii socota soo leexsha


Ee wixii sakaallada ku juray sahal kusoo qaatay


Sar qabyaana haystee si wacan loo sallixi waayay


Saf ballaaran oo wada socdee wada sinaysaaya


Sajadtuna lahayn oon salaad subax u hiiraysan


Haddii sidaa Islaannimadu tahay sadarka loo raaco


Soohdinbaa u tiillaye wallee seera-gudub maahin.



Waxaa suulay dhaqankii hiddaha saafi ku ahaaye


Safar-dhibe’ jidgooyaa batiyo saancaddiyo tuuge


Adoo sarar ku-miinliyo carruur saad u jirihaaya


Ma sabraan ma seexdaan haddaan soorta loo karine


Haddaad socoto suuqiyo guryaha meesha kala soocda


Nin surwaalka gaabsaday haddoow subixi kuu yeero


Soo soco, gacnaha sare u taag waa silloon tahaye


Sandullowna kugu baarayaa seedda muruqaahe


Sabool baahan wixii laga dhacana waa sun iyo booge


Dhallinyarada Soomaalidee sida xun caadaystay


Sinjigay baddalatiyo wixii sababay ceebaalka


Sahalaan jawaab uga rabnaa waa su’aal furane.”



Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow waa abwaan caan xagga suugaanta ku ah, haddii ay noqon lahayd; murtidiisa, luuqdiisa, hannaan gabayeedkiisa iyo farshaxannimadiisaba.


Abwaanku wuxuu ka gabyaa inta badan; waddaniyadda, wacdiga iyo waanada, baraarujinta ummadda, diinta, dhaqanka, hiddaha, kheyraadka dalka iyo dhammaan wixi dan u ah bulshada oo markaas la tebaayo ama ah dhibaato taagan  loona baahan yahay in laga gudbo. 



Abwaanku wuxuu daggan yahay magaalada Xamar, halkaasoo ay iigu suurto gashay inaan kula xiriiro khadka hawada anigoo ah Siciid Sh. Cumar kuna nool waddanka Canada(si ku-meel gaar ah).


M.G.X. waa abwaan aad looga yaqaan waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, gaar ahaanna caan ku ah dhegaha dadka iyo dhageysteyaashii Radio Muqdisho.  Waxaa kale oo uu abwaanku ka qeybgalaa intooda badan shirarka lagu raadinaayo xalka arrimaha murugsan ee Umadda Soomaaliyeed, asagoo lagu yaqaan inuu ka muujiyo qiirada gobannimo doonnimo iyo kaalinta ummaddu ku leedahay.



Hadal badan haan ma buuxhsee, waxaa sharaf ii ah inaan idiin soo bandhigo Buuggaan la magac baxay “Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” anigoo filaaya inaad ka heli doontaan tixaha iyo tiraabta uu xanbaarsan yahay.  



Intaas kaddib, waxaan idiin raacinaayaa qaar ka mid ah dadkii akhriyay buugga iyo wixi ay ka yiraahdeen.


ARAGTIDA SKHRISTAHA



MIDNIMAA WANAAG LAGU GUNTAA



Buuggaan loogu magac daray Midnimaa wanaag lagu guntaa oo ka kooban suugaan laga soo minguuriyay cajalado (giraamo) laga duubay abwaanka caanka ah ee Maxamed Gacal Xaayow, waa buug qiime iyo qaayo badan ku fadhiya. Buuggu waxuu xambaarsan yahay murti iyo maahmaahyo wanaagsan oo tusaaleynaya dhaqankii suubanaa ee somalida.  Sidoo kale markii la rabo in ummad tagtadeeda wax laga ogaado waxaa la tixraacaa suugaanta nuucyadeeda kala duwan oo  ay laheyd ummaddaas. Suugaantu waxay iftiimisaa xilligaas la joogo wixii dhacayay, hiddaha iyo dhaqamadii xilligaas caanka ahaa iyo dhibaatooyinkii jiray, haddaba abwaanka oo ku gabya xaraf walba oo afsoomali ah kuna caan baxay wanaagga iyo waanada ayaa xilligan cakiran ee jirintaanka soomaaliduba yahay mid ay dhibaatooyin badani haystaan, ayuu abwaanku waxaa uu umadda xasuusinayaa  dhaqamadii suubbanaa ee ay lahaayeen kuna waaninayaa wanaagga iyo wax wada qabsiga iyo  in laga fogaado isqabqabsiga, qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta, waxaadna arki doontaa markaad aqriso inuu gabyaagu la hadlay ummadda qeybaheeda kale duwan sida aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada IWM, uuna ku baraarujinayo sidii soomaalidu ahaan jirtay iyo siday maanta tahay iyo waliba sidii xal waara loogu heli lahaa dhibka ka taagan gayigeenna soomaaliyeed.


Qoraha buuggan oo kaalinta ugu weyn ka qaatay diiwaan galinta iyo sii jiritaanka suugaantaan muggeeda leh, ayaa sidoo kale waxuu gabay walba ka hor sheegayaa xilligii la tiriyey gabayga, sababtii loo tiriyey, dhacdooyinkii taagnaa iyo asbaabihii abwaanka ku dhaliyay inuu gabayga sameeyo taasoo uu kala sheekeystay abwaanka .  Intaas oo dhan waxa u sii dheer qoraha inuu u sameeyay gabay walba erey bixin uu ku macneynayo erey walba oo mugdi ka gali kara aqristaha .


Haddaba waxaan kula talinaya dadka soomaaliyeed ee si gaar ah u xiiseeya suugaanta inay buuggan  ka faaiideystaan waayo waxa uu xambaarsanyahay miidda murtida Soomaaliyeed iyo suugaan muhiim ah oo ay ku dheehantahay taariikhda 60kii sano ee la soo dhaafay.


June 28,2008  pakistan                                                


Eng. C/nuur Sh. Abuukar.                                                    





Midnimaa wanaag lagu guntaa



Qoraalka buuggan oo ku saleysan soo xigasho toos ah oo uu qoraagu la sameeyay abwaan Maxammad Gacal Xaayoow oo ogaanteen ku sugnaa hoygiisa ku yaalla degmada Kaaraan, Muqdisho, Soomaaliya iyo waliba cilmi baaris dheeraad ah oo uu qoraagu ku sameeyay abwaanno badan oo wax ku cabbiray gabayo, guuroow, shirib iyo masafooyin kuwaasoo kala ah kuwo codkoodu baahay iyo kuwo aan la maqal intaba.


Qaabka tayeysan ee qoraagu isu saaray erayada iyo macnahoodab waxay sahleysaa in dhammaan akhrisayaashu u wada fahmaan micno la mid ah tan abaanku ula jeeday erayadaas.  Fahamkan wanaagsan ee qoraagu sahlay waxa uu uga gol lahaa inuu tixraac u sameeyo qorayaasha hadda iyo kuwa danbe ee fanka iyo suugaanta ku hamminaaya inay wax badan sii gudagalaan suugaanta hooyo.



Ma jirto diin, dhaqan, iyo suugaan si dabiici ah isaga horumara ilaa dadkoodu u howshoodaan gaarista himiladan muqaddaska ah.



Muqdisho juun 25, 2008           


Muxuddiin m. ahmed.



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 5
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.