Hay’adda African Development Trust (ADT), oo ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa sameysay afrurin intii lagu jiray bishii ramadaan, iyadoo bixisay sakaatul-fidri isla bishaas.

ADT, ayaa u sameynaysay bishii Ramadaan dad gaaraya 1000-qof, iyadoo dadka loo sameeyay afurka ay ahaayeen dadka aan waxba haysan ama aan awoodi Karin inay helaan afur.

Dadka la afurinayay inta lagu guda jiray Bisha Ramadaan ayaa waxa ay ku kala noolaayeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir iyo shabeellooyinka, waxaaana dadkaan lagu afrinayay goobo ay diyaarisay hay’adda.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa sidoo kale gacan ka geysanayay bixinta iyo afurinta dadka; waxaana sidoo kale cunnooyin bisil loo qaybinayay dad u badan haween kuwaasoo aan heli karin afur.
Sidoo kale hay’addu waxay qaybisay sakaatul-fitri, waxaana dadka loo qaybiyay ay gaarayaan 600-qof, iyadoo sidoo kalena la siiyay dadkan lacago cadaana ah.

“Sababta aan u sameynay afurinta dadka sooman iyo sakaatul-fitriga ayaa ahaa sidii aan gacan u siin lahayn dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa aan awoodi karin inay afur helaan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’addan.

Qaar ka mid ah dadkii la afuriyay ayay ku tilmaamay qorshahaan mid aad u wanaagsan, isagoo xusay in afurkiisa uu ku tiirsanaa hay’adda ADT.

“Intii lagu jiray bishii Ramadaan afurkaygu wuxuu ahaa mid ku tiirsan ADT, aad iyo aad ayaana uga mahadcelinayaa” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii la afuriyay.

Ha’yadda African Development Trust ayaa waxay mashaariic kala duwan oo kaalmooyin ah ka fulisaa Somalia, gaar ahaan gobollada Banaadir, Shabeelooyinka, Jubbooyinka iyo kuwo kale.

Xafiiska wararka ceelqaboobe.com
Muqdisho-Soomalaiya
calidhuux86@hotmail.com
Webmaster@ceelqaboobe.com