La yaab ma leh in jimicsiga loo sameeyo qaab jirdhis ahaan uu sababi karo in xubnaha jirku ay qabatiimaan ama bartaan shaqada jimicsiga haddii loo sameeyo si joogto ah.
Sidoo kale ayaa jimicsiga waxaa la ogaadey inuu keeni karo kor u kac saa’id ah oo ku yimaada tirada garaaca wadnaha qofka. Iyadoo qofka sameeya si joogto ah jirdhis (exercise) uu dhaxlo kalsooni iyo firfircooni gasha heerka shucuurtiisa.
Laakiin cilmi baris ay dhowaan sameeyeen koox dhaqaatiir ah oo si gaar ah ugu takhasustey maskaxda ayaa waxay rumeysan yihiin in jimicsiga uu qofku sameeyo ay xoog iyo nashaad dheeri ah gelin karto xubnaha sida lafaha, murqaha, wadnaha iyo sambabada. Cilmibaarayaashu waxay sheegayaan in jimicsigu (exercise) uu sidaasi si la mid ah korriimo geliyo qeybaha muhimka ee maskaxda.

Cilmibaaristan gaarka ah oo ay dhowaan qabanqaabiyeen koox khubaro Mareykan ah laguna sameeyey jimicsiga sida joogtada ah loo sameeyo ayaa daaha ka qaadey in jimicsigu oo uu qofku daa’imo(ama joogteeyo) ay ka caawin karto qofka inuu barto waxyaabo cusub, isla markaana maskaxdu xusuusato waxyaabo hore.
Joogteynta laylinta jirka ayaa cilmibaaristan waxay muujineysaa in ay horseedo in jirku uu dhiig badan u diro maskaxda, kuna waraabiyo walxo horumarin ku sameeya habka isku xirnaanta dareemayaasha (ama nerves-ka).
Haddii jimicsiga uu qofku sameeyo ay horseedo inay adkeyso dhaqdhaqaaqyada sida tallaabsashada, ama habka ciyaarta ee "dance-ga" ama dhaqdhaqaaqa ciyaarista kubbada, markaasi maskaxdu waxay soo saareysaa-xitaa isku xirnaan xagga dareemayaasha (ama nerves-ka) oo badan, taasoo iyana horseeda in maskaxdu ay hawlgeliso dhammaan noocyada warbixinada ay heyso.
Hase ahaatee culimada saynisku weli ma fahamsana xiriirka ka dhexeeya jimicsiga la sameeyo iyo awood maskaxiyeedka caadiga ah.
Dadku waa inay hadda rumeystaan in jimicsigu ka caawin karo waxbarashada ama xusuusashada walxo hore.
Cilmibaaristan oo lagu soo bandhigey wargeys ay leeyihiin ururka caafimaadka ee Amerikanka oo lagu magacaabo "JOURNAL OF THE AMERICAN MEDICAL ASSOCIATION" ee magaalada Washington ayaa si cad u muujisey in illaa saddex jeer ama in ka badan oo aad socod u baxdid toddobaadkiiba ay aad ugu wanaagsan tahay qofka.
Waxay warbixinta wargeyska "JOURNAL OF THE AMERICAN MEDICAL ASSOCIATION" tusaale u soo qaadatey in socod illa shan-mile ah oo u dhiganta 6 ilaa 8-km saacadiiba muddo shan jeer ah toddobaadkiiba ay ka caawin karto qofka inuu sii ahaado mid jira marka la eego caafimaadka iyo nolosha qofka.
Warbixintan waxaa daabacay wargeyska "JOURNAL OF THE AMERICAN MEDICAL ASSOCIATION" oo ka soo baxa Washington.
Waxaa soo turjumey: C/lle Muumin.