Dooddii Baarlamaanka Britain ee Soomaaliya.( Mp George galloway)- 09 Nov 2008
waxaa
la daabacay Sun 09 Nov 2008 11: 47: 48
George galloway waxa uu ka mid yahay xubnaha baarlamanka UK kuwooda ugu aftahansan, hadana inta badan diidan siyaasadda Dowladda Britain ee dabadda, taasoo uu ku tilmaamo inay tahay mid la daba joogo Mareykanka gaar ahaan George Bush oo uu ku tilmaamay mid wata siyaasadda waxa loo yaqaan la dagaalanka argagixisada oo uu ku nuuxnuuxsaday inay tahay siyaasad aan wax soo saar laheyn inay wax dumiso maahane.
Hadaba Muuqaalka Video-ga ee hoos aad ka fiirsan doonto waxa uu George galloway uga hadlayaa siyaasadda Uk ee ku aadan Somalia, gaar ahaan taageerada ay siiyaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid qabsasho ah oo xi xoog ah loogu qabsaday dalka Soomaaliya.
George galloway wuxuu si gaar ah u raacayaa barnaamijkii Television-ka Channel 4 uu ka diyaariyay Soomaaliya, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa barnaamijkii ugu fiicnaa ee la sameeyo xiliyadan, isagoo si cad u eedeeyay maamulka Itoobiya & taageerada dowladda UK.