Abaalmarintan ayaa la siiyaa muuqaalada Video-ga ee lo arko inay u qalmaan dhinaca soo tebinta wararka meelaha halista ah. (FIIRSO VIDEO-ga)
Muuqaal Viedo ah oo duubay filimqaade C/llaahi Faarax (DUGUF) ayaa loo aqoonsaday inay aheyd midda ugu wanagsan ee istaahisha abaalmarinta Rory Peck Gong ee wararka ee laga bixayay Magaalada London.
Muuqaalkan oo uu C/llaahi Faarax (DUGUF) duubay 2007 bishii Sebteembar ayaa waxaa ka muuqday muuqaalo aad u calool xun oo qaarkood ay ku jireen meydad dad Soomaali ah & dagaalo si toos ah markaas u dhacayay.
Waxyaabaha soo jiitay gudiga go’aaminta bixinta abaalmarintan ayaa waxaa ka mid ahaa, muuqaalka Taangiyada Itoobiya oo C/llaahi Faarax (DUGUF) si aad ah ugu dhowaa iyagoo dagaal kula jira kooxaha ku kacsan DFKM & joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee Soomaaliya.
Filimka oo xuquuqdiisa uu leeyahay telefishinka Channel 4 ee dalka ingiriiska ayaa waxaa Muqdisho uga soo diray C/llaahi Faarax (DUGUF), kaas oo la guddoonsiiyay abaal marinta sida ka muuqata Video-ga hoos ka muuqda.
C/llaahi Faarax (DUGUF) ayaa u mahadceliyay dadkii taageeray isagoo markaas taagnaa goobtii lagu bixinayay abaalmarinta oo uu gacantiisa bidix ku heystay markii uu hadlayay.
Abaal marintan ayaa sida caadiga ah waxaa la siiyaa weriyayaasha sida madaxa banana usoo gudbiya wararka meelaha ay xaaladdoodu xuntahay oo weliba nafta weriyuhu Qatar geleyso.
Mr Duguf ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda weriyayaasha ku harsan Soomaaliya, “sida ay xaaladdu hadda tahay weligeed ma noqon 17-kii sano ee aan kasoo gudbnay” ayuu yiri.
“Waxaa Qatar ku jirtay nolosheena hase yeeshee waxaan isku dayayay inaan si aan la ogaanin ku shaqeeyo intii tabarteyda ah” ayuu intaa ku daray Duguf oo bilaabay howshan 1993-dii... Hoos ka fiirso sida loo guddoonsiiyay...
Hoos ka fiirso Video ama muuqaalka uu ku kasbday...
Ceelqaboobe.com
webmaster@ceelqaboobe.com
London, UK.