Max’ed Muuse Ismaaciil waa Wiil dhalinyaro ah,islamarkaana dhashay Sanadku markuu ahaa 1985 Waxbarashadiisa heerarkeeda kala duwan waxa uu ku soo qaatay Magaalada Muqdisho isagoo hada maraya Marxaladda Dugsiga sare Fasalka ugu danbeeya ee From 4.

Aabe Muuse Ismaaciil oo ah Odayga dhalay Wiilkaan waxa uu dhintay Sanaddii 2005 isagoo u dhintay Xanuun dartiis, waxa uuna ka shaqeyn jiray Farsamada Dhulalka isagoo ahaa Jowmitir.

Hooyo Mako waa Hooyada dhashay Maxamed Muuse waxey ka xamaalataa Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayadoo halkaasi ka shaqeynaysay muddo Sanado ah halkaasna Reerka biilkooda ka dabari jirtay,Maxamed Muuse waxaa la dhashay Labo Gabar iyo Hal Wiil oo dhanka Aabaha ah oo intaba ka wada yar.

Maxamed Muuse Sanadku markii uu ahaa 2001 ayaa Qoorta ka qaloocatay lugta Midig iyo Gacanta Bidixna Naafo ayuu ka yahay oo dabeel ayaa ka martay Xanuunka Qoorta waa mid joogto ah,Cimillooyinka kuleylka iyo Qabowga Cilad ayeey keenaan iyo Xanuun, Hurdadiisu waa fican tahay gacanta iyo lugtuna Naafada ah Dareen ayeey leeyihiin.

Dhowr Dhakhtar oo uu la xiriiray Daawooyin ay soo qoreen wax is badal ahna kama uusan helin ilaa hada,iyadoo Dhakhaatiirta qaarkood ay u sheegeen in aan Dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin, hadii uu Awoodo Dibadana uu isku soo Daweeyo,waxaa intaas dheer in uusan haysan Kharash uu Dibada ku aado,xitaa waxa uusan heysan wax uu isku daaweeyo.

Haddaba qof walbo oo Muslim ah oo wax ka qaban kara arintaan waxa uu dhibane Maxamed Muuse iyo Ehelkiisuba Codsanayaan in Wiilkaas dhalinyarada ah Xaaladiisa Caafimaad Gurmad loogalo lana Badbaadiyo si uu Mustaqbalka u Anfaco Dalkiisa Diintiisa iyo Dadkiisa,iyadoo laga Ajar Dalbayo Allah oo kaliya.
Xafiiska wararka ceelqaboobe.com
Muqdisho-Soomaaliya
calidhuux86@hotmail.com
Webmaster@ceelqaboobe.com