RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

TAARIIKH NOLOLEEDKII Marxuum Dr Xseen Xaaji Maxamed Bood- 21 Dec 2008
waxaa la daabacay Sun 21 Dec 2008 11: 27: 55

 


 


 


 


TAARIIKH NOLOLEEDKII Dr XUSEEN XAAJI M BOOD 


(1933-2008)



 A)   Caruurnimadiisii


1)Dr. Xuseen Xaaji M Bood oo saaka 4tii aroornimo ku geeriyooday Cisbitaalka Aga Khaan  ee Magaalada Nayroobi, dalkaa Kenya, wuxuu ku dhashay Magaalad Mareeg ee Degmada Ceel Dheer, ee Goballada Dhexe Somalia.



2)Dr Bood wuxuu ka bartay Qu’aanka kariimka ah dugsigi allaha u naxariistee Macallinm Abukar ee Mareeg, sannaddadi 1939-43


B)Waxbarashadiisi


3)Ka dibna wuxuu marxuumku usoo wareegay magaalada xamar oo markaas xarun u ahayd Taliskii Gumeysiga, halkaas oo uu ka billaabay waxbarashadiisii Hoose/Dhexeé sare . Halkaa wuxuu Ka galay wax barashada dadka waaweyn ( Adult Education) oo uu ka gaaray heerka  shahaaddada dugsiga sare


4)Makuu marxuumku gacanta ku dhigay Shahaaddada Dugsiga Hoose ee Wax Warashada  Dadka waaweyn wuxuu ku biiray Booliska Illaalada Lacagaha ( Guardia di Finanza), halkaas oo uu maallintina shaqeysan jiray, habeenkina wax baran jiray.


5)Sannadki 1956 wuxuu marxuumku ka mid noqday xisbigii Liibaraalle ee Xaaji buraako hoggamin jiray, halkaas oo muddo ka dib xisbigoodi waxbarasho ugu diray isaga iyo koox kale oo uu ka mid ahaa xaaji xassanley Maxaad Joqof iyo 16 kale dalka Itoobiya.


6)Bishii Sebtember 27di, 1958, Marxuumka waxaa loo qaaday dalka Itoobiya, wa


7) waxayna Magaalada Muqdishu ka raaceen diyaarad ingiriss ah oo la dhihi jiray Mijir Koos oo laga lahaa Magaalada Cadan ee dalkaa yemen. Waxay diyaarad kale ka raaceen Magaalada cadan, taasoo geysay magaalad Addis Ababa ee Dalkaa Itoobiya.


Waxay halkaa ka  galeen dugsiga la yiraahdo Tefarre Tmirtu Beyt oo macnaheedu yahay


Hoyga Wax Barashada.


8)Sannadki 1960 waxaa dowladda itoobia diyaarad qaas ah soo siisay arddadii 18 ka ahaa ee dalkooda wax ku baranaayay si ay uga qaybgalaan dabball deggyada iyo damaashaadka  loo sameynayay gobannima dalka Sommaliaya oo ku beegneyd, 1dii bisha Lulyo, 1960ki. Waxay ka soo qeyb galeen damaashaadyadki xurriyadda, iyagoo la soo siiyay muddo laba bilood oo fasax ah.


Marki fasaxi dhammaaday  waxaa arddadi loo soo diray diyaar kale oo qaas ah, hase ahaate Dr Bood waa uu ka haray diyaaraddi, wuxuuna u baqoolay dalka talyaaniga oo uu wax barasho Jaamacadeed ka helay.


9)Dr. Bood wuxuu halkaas ka billaabay wax barashiidi wuxuuna galay Jaamacadda Jaamacadda Roma sannadki 1960ki, isagoo baranay cilmiga siyaasadda.


10) Wuxuu soo dhameystay waxbarashadiisi Jaamacadda sannadkii 1964ti, wuxuuna dalka soo noqday isla sanaadkii.


C)Xilalki uu soo qabtay


Marki uu Dr bood ka soo noqday wax barashadi dibedda ilaa burburkii Dowladdi Somaaliyedd, Dr bood wuxuu xilal kale duwan ka soo qabtay wasaaradaha iyo hayàdaha soo socda. Hoos kasii aqriso









































Sano


Xill


a)1952-54


- Wuxuu ka ruqseystay Guardia finanzadi wuxuuna imtixaan u galay karaaniyaal loo qaadanaayaya was. Gaadiidka, kaasoo uu ku guuleystay, kana shaqeynayayb ilaa uu wax barasho dibedda uga aado.


b)1965-67


 


-Ku xigeenka Agaasime, Was. Gaadiidka


c)1967-68


-Regional Director, North Western,was. Gaadiidka


d)1968-70


-g. Gaadiidka ee was gaadiidka


e)1971-72


-D. G, Was. Isgaarssinta iyo Gaadiidka


f) 1972-73


-D. G, Was xanaanada Xoolaha, Daaqa iyo Hoeumarinta miyiga


g) 1974-76


-D.G, was Qorsheynta Qaranka


h)1976-77


-D.G, was dalxiiska


i)1977-81


-D.G, was Qorsheynta qaranka


j)1981-86


-D.G Dan wadaagta Qaranka


k)2002-2004


-Ku Xigeenka ra’iisul wassaaraha Xukuumadi TNG     


D)Wax qabadkiisi ganacsi


Sida la ogyahay  Dr Bood wuxaa isagoo da`yar la geliyay howl gab, wuxuuna noqday ganacsade xur ah. Dr Bood wuxuu mar danbe asxaabtiisi ku qarsaday inuu faaìida ka badan mushaarki uu 18 sano dowladda ka qaadanaayay ka helay hal safar oo ganacsi ah.


-Wuxuu ku billaabay ganacsiga dhoofinta iyo soo dejinta( Export/import)


-Wuxuu maareeye ka noqday warshaddii Saabuunta ee cad Ceed-1986-1988


- Wuxuu marreye ka noqday Shirkaddii TAI- 1986-90


- Wuxuu noqday guddoomiyaha Shirkadda LEETCO- 2006


E)Halgankiisi siyaasadeed


Ka dib marki khal khal galay siyaasaddii dalkadr  Bood wuxuu noqday nin siyaasadda dalka indhaha ku haaya, taas oo uu la socday isbadellada siyaasadeed ee Dowladdi Madaxweyne Siyaad Barre ee xakunka dalka markaa gacanta ku heysay. Taa waxaa loo sababeyn karaa Dr Boo d oo taqasus gaar ah u lahaa culuunta siyaasadda( Political Science) isla markaana ka dhiidhinayay arima badan oo siyaasadeed oo xilligaa dalka kataagnaa.


Dr. Bood waxa uu ahaa ninka kaliya ee ladhihi karo waxaa uu ahaa muwaadiniinta soomaaliyeed waa  ugu horeeyey taana waxaa laga dheehan karaa xilligii burburku ku  soo fool lahaa waddanka oo uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah sida;


1-BAYAANKII MAANA FAYSTO :


- DR. Bood waxaa uu ahaa ninkii ugu cadcadaa odayaashii bayaankaas soo saaray oo doonayay in shacabka soomaaliyeed looga badbaadiyo  dagaal sokeeye iyo bur bur qaran.


-Dr. Bood waxaa uu ahaa ninkii ugu horeeyay oo madaxweynuhu u yeero asagoo weydiinaaya arimaha kusaabsan bayaabkii Maana Faysto . Wuxuu Dr Bood  madaxweyne Siyaad barre la socod siiyaya in isaga oo Dr Boodka oo ka mid ahaa hoggaanka sare ee Maanifeesto, waqtigaa oo aad looga cabsan Jiray Dowladdi Madaxweyne Siyaad Barre.


- Mudda yar ka dib,  Geeridii naxdinta leheed ee Dr Iamaaciil Jimcaale Cosoble, Dr Bood wuxuu la wareegay hoggaankii ururki USC iyo Maanifeest oo bur buriyeen nidaamkii dalka ka jiray.


F)Kacdoonkii Xamar


-Muddadii lala dagaallamayay Xukunkii Madaxweyne Siiyaad barre, Dr Bood wuxuu ahaa hoggaamiyihii Kacdoonka iyo Gudoomiyihii USC-da Xamar


-Shirkii ururka USC Villa Somalia kula yeesheen dowladdii Madaxweyne Siyaad barre, Dr Bood wuxuu ka qeyb galkii shirka shardi uga dhigay in dowladdii Siad barre marka hore qirato in aan Mooryaan la dirireen ee Urur USC  la yiraahdo dagaalka kula jiraan


G)Halgankiisi nabadda


Muddadii uu guddomiyha ka ahaa dalladda Nabadeynta Somaliyeed, wuxuu Dr Bood hoggaanka u qabtay halgankii nabadeynta Somaaliyeed, iyadoo dalladdiisana ay ka mid ahaayeen


-Golaha Gurtida Somaaliyeed


-Golaha ururada siyaasadda Somaaliyeed


- Aqoon yahanno Somaaliyeed


- Ururo Bulsho


- Ururo haweeneed


Kadib markii la riday xukunkii madaxweyne Siyaad Barre waxyaabaha lagu xasuusto Marxuum Xuseen Bood waxaa ka mid ah:


Markii ay USC qabsatay magaalada Muqdisho ayaa qaar ka mid ah xubnihii hogaanka USC waxa ay shir ku yeesheen magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii shirkaasi ayaa waxa ay codsadeen in ay iyagu maamulaan meelo ay markaasi tilmaansadeen iyagoo sheeganaya magaca hawiye, hase yeeshe waxaa la xasuustaa IN Dr Bood uu arintaasi ka gilgilshay isagoo yiri “qof qabiil laguma texgelinaayo ma jireyso, waxa keliya oo qofku wax ku maamuli karaa waa inuu aqoonteeda leeyahay” waxa uuna intaas ku daray in haddiiba ay arintaasi dhaceyso ay ula dagaalameen rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, isagoo arintas sii faahfaahinayanaya waxa uu yiri “ haddii uu ii yimaado qof Soomaaliyeed waxaan ku texgelin doonaa aqoontiisa oo midka aqoonta leh ayaa shaqada la siin doona, haddii ay isku aqoon noqdaana waxaa shaqada heli doona midkii soo hormaray, ileyn waxa aan ka dagaalanay waxay aheyd caddaalad daro, mana jireyso in ay sii socoto caddaalad daradaas” ayuu yiri allaha u naxariistee Marxuum Dr Bood.


Dhacdada kale ee laga xasuusto-na waxaa ka mid ahaa in dagaalkii afarta Bilood ee 1991 dhex maraya beelaha Abgaal & Habargidir ay kooxo maleeshiyo ah jidka ka qabsadeen nin sarkaal ahaa oo u dhashay beesha habargidir, iyadoo nasiib wanaag ay la kulmeen rag uu ka mid ahaa Dr Xuseen Bood, wuxuuna  Dr Bood kasoo waday ragii heystay sarkaalkaasi, waxaana sida la sheegay u yimid Dr Bood raggii dableyda ahaa oo weydiistay inuu kusoo wareejiyo ninkii, hase yeeshee waxaa uu Dr Bood ku yiri raggii dableyda ahaa “ninkaasi waxaa uu ahaa sarkaal Soomaaliyeed, mana dhaceyso in qof Soomaaliyeed si xaqdaro ah lagu dilo, isagoo wweliba berito anfacaya Soomaaliweyn.


Sidoo kale waxaaa la soo weriyay in Dr Bood uu necbaa inuu qaato hantida islaameed, isagoo diiday inuu qaato Baabuur xiligii UNISOM ee 1992—1995 la siinayay dadkii madaxda ahaa uu diiday, isagoo yiri sida la sheegay “xoolo ummadda Soomaaliyeed ka dhaxeeya igama suurtowdo inaan si xaqdaro ah ku qaato iyadoo dadkeygu wada shibaateysanyihiin,” waxaana la xasuustaa in kooxihii xiligaas badankoodu ay wateen baaruurtaa Lancruiser-da ahaa ee UNISOM bixineysay.


Arimahan qaarkood waxaan kasoo xiganayay mid ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK oo magaciisa la yiraahdo Yaasiin Xuseen, oo sida uu tilmaamay goob joog ka ahaa arimaha qaarkood sida; arinta shirka USC  ee XAMAR ka dhacay xiligii USC qabsatay Muqdisho.


Xafiiska wararka ceelqaboobe.com


Muqdisho-Soomaaliya


calidhuux86@hotmail.com


Webmaster@ceelqaboobe.com


Inta ka aqriso Tacsida loo dirayo qoyska Marxuumka



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 4
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.