Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxa gacanka Talyaaniga ayaa sheegaya in Kabtanka Kooxda AS Roma Franchesco Totti uu dhaawaciisa kaga soo kabanayo si ka dhaqso badan sidii la filayay, dhaawaca Totti ayaa waxa uu gaaray kulan ay kooxdiisa la yeelatay kooxda Catania bishii December.
Totti ayaa bilaabay inuu rucleeyo waxana la filayay inuu todobaadka soo socda rucleyta bilaabo, haatana waxaa la rajaynayaa inuu soo laabto dhamaadka bishan ama bilowga bisha Febraayo si uu diyaar u noqdo kulanka Arsenal oo ay muhiimadiisa tahay inuu ciyaaro tartanka yurub. kooxda AS Roma ayaana si toos ah tababarka ugu soo laabatay kadib markii ay barbardhac la gashay kooxda AC Milan.
Kooxda Roma ayaa la ciyaari doonta kooxda Sampadoria ciyaar ka tirsan horyaalka Talyaaniga oo hore ugu baaqatay, waxaana ganaax uga maqnaan doona kulankaas Pillippe Mexes iyo Mirko Vucinic, halka ay Okaka iyo Taddie-na uga maqnaan doonaan dhaawacyo, waxaase la filayaa in weeraryahanka Faransiiska Menez uu ciyaarayo kulankaas walow aanan weli la hubin.
Wararkaan Sports waxaa diyaariyay
C/Naasir Maxamed Axmed (Zerrro)
zerro77@hotmail.com