Tababaraha dalka Germany Joachim Low ayaa kula taliyay maalintii Talaadada in Lucas Podolski uu iska aamuso oo uusan mustaqbalkiisa qaranka German-ka mugdi gelin uuna joojiyo wararka ah inuu ku laabanayo naadigiisii hore ee FC Coln.
Low ayaa u sheegay wargeyska Express inuu kula taliyay Podolski inuu iska aamuso, wuxuuna tilamaamay inuu la hadlay ciidda Kirismaska ka hor.
wuxuuna sii raaciyay: " waa inuu joogaa naadi uu ku dareemayo raaxo, Lucas waa shaqsi caadifi ah, wuxuuna u baahanyahay in uu dareemo deganaan si uu u soo bandhigo kubaddiisa ugu wanaagsan. FC Coln haddii uu u dareemo in jawigaas ay u diyaarinayso, talaabada uu qaadayo waa ay saxsantahay."
Podolski ayaa ka soo tegay naadiga FC Coln sanaddii 2006 isagoo ku soo biiray naadiga Bayern Munchen laakin nasiib daro boos toos ah kama uusan helin. Podolski oo taas ka niyad jabsan ayaana hadda doonaya inuu ku laabto kooxda Coln walow uu heshiiskiisa ku egyahay ilaa 2010-ka.
Bayern Munchen ayaa waxay diyaar u tahay iska fasaxdo weeraryahanka da'da yar ee qaranka Germany haddii loo soo bandhigo qiimo macquul ah, Podolski-na waxa uu rajaynayaa in la gaaro heshiis sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana la sheegayaa in haddii uu u laabto FC Coln uu u noqon doono kabtan kooxda sanadda soo socota.
Lucas Podolski ayaa qaranka Jarmalka u dhaliyay 31 gool 62 kulan oo uu u saftay.
Wararkaan Sports waxaa diyaariyay
C/Naasir Maxamed Axmed (Zerrro)
zerro77@hotmail.com