Tababaraha kooxda Liverpool Rafael Benitez ayay mar kale isku dhaceen milkiilayaasha kooxda Liverpool FC maadaama ay shakiyo haraynayaan mustaqbalka daafaca Denmark Daniel Agger oo ay heshiiskiisa cusub ka daaheen.
Agger ayaa si aad ah loola xariirinayay kooxda AC Milan, wargeysyadana waxay ka qoreen inuusan ku faraxsanayn xaaladiisa Anfield.
Benitez ayaase ku adkaysanaya in stopper-kii hore ee Brondby uu diyaar u yahay isagoo ku faraxsan qandaraas kordhinta kooxdiisa oo ay uga harsatahay 18 bilood oo kaliya.
Doctor Rafa ayaa ka careysan maamulka kooxda Reds dib u dhigitaanka ay ku sameeyeen heshiiskiisa maadaama aysan weli la xariirin ciyaaryahanka iyo kalayntigiisa intaba.
Wararkaan Sports waxaa diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
zwerro77@hotmail.com
" Naadiga waa uu ka gaabiyay qandaraaska cusub ee Agger, taasna waa sababta wargeysyada loogu soo qorayo, maadaama aanan ugu dhaqsan sidii la rabay," ayuu ku yiri wargeyska The Sun tababarihii hore ee Vilencia.
Rafa Benitez ayaa maamulka Mareykanka ah wada hadal cusub oo qandaraas kordhin ah la leh kadib markii uu diiday heshiis loo soo bandhigay todobaadkii hore.