Albert Riera ayaa ku adkaysanaya in qolka lebiska ee Liverpool uu weli daganyahay kadib barbardhac kale oo ay gurigooda ku galeen kulankii Isniinta ee Everton.
Tim Cahill ayaa gool uu dhaliyay waqti gebogebo ah kulankii Liverpool ay ku qasabtay inay kooxda Reds ay
dhibco ahaan la sinaato kooxda hogaanka haysa ee Man Utd oo kulan uu u harsanyahay.
Si kastaba, waxaa dhiman 16 kulan oo ay ka midtahay kulan bisha March la ciyaarayo oo labada naadi dhexmari doona, wuxuuna kalsooni ku qabaa in tartanka horyaalka uu weli dhimanyahay.
wuxuuna yiri: " Dhinaca Liverpool, markasta barbardhaca waa niyad jab, laakin waa inaaan sii soconaa sababtoo ah waxaa dhiman kulamo badan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka."
" Caqliyada qolka lebiska ee kooxda waa in la badiyaa kulan kasta, balse barbardhac kulanka Everton waa natiijo wanaagsan."
" Ma jecli inaan wax badan ka hadlo nasiibka kooxaha kubbada cagta, laakin Man Utd waxay dhalinaysaa goolal daqiiqadaha ugu danbeeya, inagana waxaa la inaga dhaliyay daqiiqadihii ugu danbeeyay."
" Ugu yaraan waxaan dhibco ahaan la simanahay kooxda hogaanka haysa, waxaan sii wadi doonaa dagaalka horyaalka ilaa dhamaadka."
Hadalka Albert Riera ayaa ah mid xasaasi ah oo xiiso leh kadib markii ay hoos u dhacday dib u dagaalankii kooxda Liverpool iyo goolashii ay dhalinaysay daqiiqadaha ugu danbeeya ee bilihii la soo dhaafay.
Wararkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
zerrolove@hotmail.com