Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay weerar ku qaado kooxda Man City iyadoo isagu daraysa qiimo sareeya iyo afar ciyaaryahan si ay ugu qanciso inay kala soo wareegto Robinho sida laga soo xigtay wargeyska Marca.
Wargeyska maalinlaha ah ee Spain ka soo baxa ayaa qoray in Chelsea ay lacag gaaraysa 17 Million Pound iyo afar ciyaaryahan oo aanan weli kooxda saldhigan isagu dari doonta si ay uga hesho ciyaaryahan Robinho.
Magacaha ilaa hadda la sheegay inay heshiiskaas qayb ka ahaan doonaan ayaa kala ah; Florent Malouda, Nicolas Anelka, Salomon Kalou iyo Alex ama Ivanovic midkood.
Lama hubo hadalkan runtiisa iyo beentiisa inta ay la egtahay balse labada ciyaaryahan ee aan dooqa kowaad ee Chelsea ahayn Florent Malouda ama Salomon Kalou midkood ayaa ka tegi doona kooxda dhawaan.
Sidoo kale, Nicolas Anelka waxa uu dhibaato ku qabaa loolanka dooqa koowaad ee weerarka Didier Drogba, maadaama uu tababare Scolari doorbidayo hal weerar intii uu labadooda garoonka isla soo gelin lahaa.
Manchester City waa ay ku adkaan doontaa inay diidaan bandhiga noocaas ah, haddana inay waayaan ciyaaryahan Robinho waxay u ekaan doontaa rajo beel.
Si kastoo uu xaalyahaba, u dhaqaaqida Robinho dhanka Chelsea waxay noqon doontaa mid xusuus leh, maadaama ay ku waayeen gacanta Man City daqiiqadihii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga bishii Agoosto isagoo la filay inuu qalanka waraaqda dul dhigo.
Wararkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
Zerro77@hotmail.com