Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Milan Emerson ayaa la yaabay wararka wargeyska AS uu qoray isagoo soo xiganaya magaciisa oo ah in Kaka laga yaabo inuu u wareego Real Madrid.
Wargeyska ayaa qoray in uu Emerson yiri Kaka waxa uu ku fikirayaa mustaqbalka Real, wuxuuna doonayaa inuu noqdo ciyaaryahan dhab ah, sidaas darteed waa inuu u ciyaaraa Real Madrid.
" dhab ahaan ! anigu ma aanan dhihin waxaan oo kale." ayuu ku yiri Studio Sport Emerson isaga oo yaaban.
" Dalka Spain dadku waa ay hadlaan in badan, waana ogahay waxa ay ka dhigantahay in loo ciyaaro Madrid, laakin Kaka waxa uu ku fiicanyahay Milan."
" Wuu muujiyay Kaka inuu ka tirsanyahay maaliyadan iyo taageerayaashan."
Wuxuu is weydiiyay in hadalka la dhameeyay! balse uu shaki ka qabo ayna sii wadi doonto saxaafadda Spain inay ka hadasho macquul ahaanshaha ku biirida Kaka kooxda Real Madrid ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Warkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
Zerro77@hotmail.com