Huntelaar, oo kooxda Real Madrid ku soo biiray Jiilaalkan isagoo ka yimid Ajax, ayaa dagaal kula jira ciyaaryahan Lassana Diarra oo isna kooxda Portsmouth ka socda, si midkood uu u ciyaaro tartanka Champions League ilaa Real Madrid ay bedesho sharciga Yurub oo aanan u muuqan mid dhacaya.
Weeraryahanka Dutch-ka ayaa u sheegay wargeyska AS inuusan garanayn sharciga markii uu ka soo tegayay Holland bishii December.
" Waxba ma aanan ka ogayn," ayuu ku bilaabay.
" Markii uu naadiga ii yeeray waan ku faraxsanaa, kadibna waxaan gadaal ka ogaaday inaan sugno waxa dhaca, waa go'aan u yaalla Uefa,"
" Naadigu wuxuu ku dadaalayaa in uu labadaba ciyaarsiiyo, laakin waa inaan suganaa ilaa dhamaadka Janaayo, waan deganahay waxa kaliya ee aan ka fikirayana waa kulanka soo socda ee Deportivo La Coruna."
Ciyaaryahanka Dutch-ka ah ayaa la weydiiyay haddii uu haysto fursad ka wanaagsan midda Lassana oo uu ku ciyaari karo, wuxuuse doorbiday inuusan ka faalloon arinkaas.
Wuxuu sheegay inuusan dareemin wax cadaadis ah maadaama uusan weli gool u dhalin Madrid, balse uu u baahanyahay inuu horumar sameeyo.
" Runta waa inaanan dareemin wax cadaadis ah," ayuu si xeeldheeri ah u yiri.
" Waan isku dayay inaan bixiyo dadaalkayga, fursado waan helay laakin ma aanan dhalin, ugu horeynse waxaan isku dayayaa inaan horumaro."
Wararkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
Zerro77@hotmail.com