Superstar Kaka oo iska indho tiray u dhaqaaqidii Man City ee faa'iidada badan wadatay todobaadkii tegay bilowgiisa, inkastoo la dheegay in Milano ogolaatay qiimaha Record jebinta ah ee 120 Million Euro ayaa sheegay inuu ku faanayo in ay xiisaynayaan kooxo waaweyn sida Real Madrid iyo Chelsea.
Inkastoo wararki ku tiri ku teenta ahaa ee Kaka meel la iska dhigay haddana saxaafada Spain ayaa waxay sheegaysaa in Kaka uu Real ku sii jeedo oo taasi ay tahay sababta uu bandhiga Man City u diiday.
Saxafi ka tirsan wargeyska AS ayaa ku soo dhawaaday ciyaaryahan Kaka shalay kadib markii uu tababarka kooxda ka soo laabtay, wuxuuna ciyaaryahanka Rossoneri numberka 22 u wata si kooban uga hadlay ku tiri ku teenta la xiriirinaysa isaga Los Merengues.
" Waa wax cad inay i farxad gelinayso inay i xiisaynayaan kooxo waaweyn sida Real Madrid iyo Chelsea," ayuu wargeyska AS ka soo xigtay.
" Ma aanan hadlin maalimihii la soo dhaafay, waxaan dareemayaa cadaadis badan, xaaladuna weli way kacsantahay, waa inaan is dejiyaa, saxaafadu waxay qoraysaa inaan maalin un dhaqaaqi doono.
Wararkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
Zerro77@hotmail.com