Anigoo ah Duniya Xaaji Cali (Adoon), waxa aan rabaa inaan halkan ka dhiibto fikrad la xiriirta arimaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud, oo dhowaanna la filayo in degmadu noqoto magaalo madax Gobol dhowaan la hirgelin doono.
Haddii aan ka waramo xaaladda degmada Ceeldheer, waxaan ogsoonahay in Ceeldheer ay tahay magaalo degan, dad badanna ay ku qaxeen xiligan, amaba la dhihi karo waxay ka mid tahay magaalooyinka loogu qixidda badan yahay koofurta Soomaaliya, waxaana lagu qiyaasay dadka u qaxay 1,700 oo qoys oo dad ah oo si fiican loogu soo dhoweeyay.
Magaalada waxaa ka jirta nabad, nabadda ka jirto darteed wixii dhaqalo ah oo magaladaas lagu hormariyay ayaa waxay ka timid dadka u dhashay oo dibadda ama gudaha jooga.
Dowlad wax masiiso dadka aaminsan inay dowlad ay ku
xiran yihiin way khaldan yihiin, anigana waxaan ka mid ahay dadkii loo doortay qeybaha hogaamineed eek ala duwan ee ay degamadu leedahay, anigoo ah gudoomiyaha haweenka degmada
Ceeldheer ee qurbaha, waxaan howsheeda ku jirnaa sidii loo hormarin laha degmada Ceeldheer.
Sida dad badani la socdaan waxaa gabogabo ah dugsiga sare dhismihiisa, waxaa kaloo jirta in la sameeyay horumar dhinaca nabadgalyada, caafimaadka IWM.
Marka waxaan jaaliyadda & guud ahaan dadka u dhashay degmadaas & degaanada ku dhow-dhowba ka codsanaynaa in horumar weyn ku sameeyaan degaanadaas aan kor kusoo sheegay.
Waad ujeediin xaaladda Muqdisho, waadna aragtiin in qof walba dhisanayo Meelaha uu ka yimid, maadaama aan dhul
fiican qabno, waxaad kaloo ig tihiin qurbaha dhibka lagu jiro ee fadhiga kakaca.
Duniya Xaaji Cali Adoon.
Fiiro gaar ah:
Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha, loomana fasiran karo midda ceelqaboobe.com.