Musiibo ayaa ka dhacday magaalada Barcelona saaka kadib markii qayb ka tirsan golaha ciyaaraha Barcelona ay dhabaylo dumiyeen iyadoo ay ku dhinteen saddex carruur ah 16 kalana ay ku dhaawacmeen.
Elmunda Sports ayaa sheegtay in musiibadu ay dhacday 11:30 waqtiga Catolania, waxaana saddexda carruurta ah ee dhimatay ay daʼdooda u dhaxaysaa 9 ilaa 12 sano, halka 16-ka dhaawacantayna ay ka midyihiin laba xaaladoodu halis tahay.
Waxaa la sheegayaa in dad badan burburka laga soo saaray, qaar kalana ay ku xanibanyihiin, lamana oga tirada rasmiga ah.
Shaqaalaha Dab deminta ayaa durbadiida goobta u soo cararay, si ay ula tacaalaan shilka, lamana hubo haddii ay dhacdadaan saamayn ku yeelan doonto kooxda Barcelna oo caawa la ciyaaraysa kooxda Numanca.
Golaha ciyaaraha Barcelona uma dhawa halka kooxda Barcelona ay degantahay amaba ka aasaasantahay laakin waxaa la filayaa in kooxda Catolania ay ka hadasho arinkaas maanta.
Kooxda Barcelona waxaa la filayaa inay caawa 00:00 am waqtiga bariga Africa ay la ciyaarto kooxda kaliya ee xilli ciyaareedkan horyaalka Laliga ka badisay ee Numancia.
Wararkaan Sports waxaa qorey
C/Naasir Maxamed Axmed (Zerro)
zerro77@hotmail.com