Ka dib kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, waxaa loolanka loogu jiro weeraryahanka Uruguay iyo kooxda Ajax Amsterdam Luis Suarez ku soo biirtay kooxda kale ee Spain Vilencia.
Tababaraha Ajax Marco Van Basten ayaa fogeeyay qorshe kasta ee ay kooxda ku iibinayso ciyaaryahanka dhaqaajiyaha u ah, bacdamaa kooxda ay iibisay weeraryahankii lammaanka ku ahaa Klaas Jan Huntelaar bishii December, inkastoo ciyaaryahanka nafsadiisa uu muujiyay in uu jecelyahay ku biirida kooxda Real Madrid si uu wadaay ula noqdo saaxiibkii hore Huntelaar.
Suarez oo 22 sano jirsaday laba maalin ka hor ayaa rajaynaya in uu ku biiro koox weyn oo Yurub ah sida ciyaaryahan walba uu ku riyoodo, waxaase macquul ah inuu mustaqbalkiisa go'aamiyo Xagaaga soo socda, isagoo ku biiraya saddexda naadi ee ugu weyn kubbada Spain.
Saurez oo ah ciyaaryahan boosas badan ayaa ilaa iyo hadda horyaalka Holland ee Eredvisie ka dhaliyay 10 gool, waana ciyaaryahan weli horumar ku socda oo ay macquultahay inuu ka mid noqdo ciyaaryanahada adduunka ugu cadcad sanadaha soo socda haddii qaab ciyaareedkan ku sii socdo.
Wararkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
Zerro77@hotmail.com