Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa si qeexan u diiday in uu ciyaaryahankooda Sergio Aguero naadiga ka tegayo isagoo cadeeyay in mustaqbalka Aguero uu yaalo Madrid.
Mar la weydiiyay mustaqbalka ciyaaryahanka, madaxweynaha ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in uusan naadiga ka tegayn. " Runta xitaa waa inaan ogayn in qandaraaska Aguero dhacayo, laakin ma ahan wax i welwelinaya hadda," ayuu Marca u sheegay.
" Aad ayaan u cadeeyay, waan cadeeyay, in uu la sii joogayo kooxda Atletico Madrid, idinka (saxaafada) ayaysan idiin caddayn arinka."
Enrique Cerezo waxa uu si cad uga dooday wararka been abuurka ah ee in Sergio Aguero ku biirayo kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid, wuxuuna sheegay in qof waliba deganyahay, ayasana waxba ka gelin waxa ay cadow wadaagtoodu samaynayso.
" Xaal ahaan Atletico Madrid waa ay degantahay, dhibaatada kaliya ee na haysatana waa natiijooyinka," ayuu ku bilaabay.
" Waxba igama gelin cidda noqonaysa madaxweynaha Real, ama haddii ay ka hadlaan saxiixa ciyaaryahan Aguero, waxaan idinka codsanayaa inaadan i weydiin su'aashan 24 saac kasta."
Inkastoo uu madaxweynaha ku hadlay ereyo adadag haddana waxaan shaki ku jirin in haddii ay ku dhamaysan waayaan afarta koox ee Champions league aadaysa inay ku adkaan doonto inay sii haystaan Aguero.
Madaxweynaha ayaa si kooban uga hadlay ciyaarta soo socota ee koobka Yurub ee ay la ciyaari doonaan kooxda FC Porto, wuxuuna sheegay inuusan ka fikirayn kulankaas oo uu kalsooni ku qabo inay soo bixi doonaan.
" Waqtigan la joogo, kama fikirayo kulanka FC Porto, maadaama aan kulan la leenahay maalin Axadda ah kooxda Valladolid, waxaan ogahay in kooxdu maskaxiyan diyaartahay ayna soo bixi doonaan," ayuu ku soo gebagabeeyay.
Wararkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
Zerro77@hotmail.com