Fiorentina oo ay ka wada badiyeen saddexdii kulan ee ugu danbeysay Italian Calcio kooxaha; Lecce, Milan iyo Juventus ayaa natiijadan hoos ugu dhigtay naadiga kaalinta todobaad iyadoo ay dhibco ahaan simanyihiin kooxda Palermo.
Tababare Cesare Prandelli ayaa kooxda u diyaarinaya kulan ay maalinta Arbacada la ciyaarayso kooxda Napoli, kaas oo muhiin u ah Italian Seria A kooxda u soo baxaysa boosaska Yurub.
" Waxaan ka rabaa ciyaartoydayda inay si fiican uga jawaab celiyaan, waa inaan jawaabteena ku muujinaa garoonka si aan uga hortagno carqalado kale, taageerayaasheenana waxay nagu caawin doonan dareenkooda."
Fiorentina waxay kala wareegtay booska Champions league kooxda Milan xilli ciyaareedkii tegay, balse dib u dagaalanka Roma iyo dardarta kooxaha Genoa iyo Napoli, inay u soo laabato sanadan tartanka Yurub waxay u muuqataa mid shaki leh.
" Hadda waxaan joognaa booska Uefa Cup waana awoodi doonaa inaan booskaas ilaashano, waxaanse leeyahay in la tago champions league way adagtahay," ayuu u sheegay website-ka naadiga fiorentina.it.
Si kastaba Prandelli ma uusan rajo dhigin weli, wuxuuna yiri: " Fiorentina kaalinta afaraad waxay u jirtaa dhibco yar, waana dagaalami doonaa ilaa dhamaadka."
Wararkaan Sports waxaa soo diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
Zerro77@hotmail.com