Madax iyo Mas'uuliyiin ka socotay Jaamacada Muqdisho oo uu horkacayay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Prof.Cali Sheekh Xasan iyo Mas'uuliyiin kale oo uu ka mid ahaa..
Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa waxaa Qabuuraha Sheekh Ibraahim Cali Gacal ee Deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho lagu Aasay Allaha u naxariistee Macalin C/laahi Maxamed Joqof oo wadaad Caalim ah oo soo waxbaray Boqolaal Culimaa'udiin Soomaaliyeed ah.

Aaska Marxuumkaasi ayaa Culimaa'udiinkii ka qeyb galay waxaa ugu badnaa Dariiqada Macalin Biyomaaloow oo uu hogaaminayay Macalin Nuur Maxamed Siyaad,waxaa sidoo kale siweyn Aaskaasi uga qeybgalay dariiqada Sheekh Daa'uud Culusow,dariiqada Reer Sheekh cabdi Cumar,Dariiqada Reer Xaaji Ibraahim Yare oo uu Hogaaminayay Sheekh Caamir Xaaji Ibraahim,Dariiqada Reer Sheekh Muxyadiin Celli iyo Dariiqooyin kale oo aad u farabadnaa.
Munaasabadii Aaskaasi waxaa sidoo kale kaqeyb galay Mas'uuliyiin iyo Aqoonyahano ay ka mid ahaayeen Siyaasiga Axmed Abroone Aamiin oo Gudoomiye kuxigeen ka noqday Golihii Baarlamaanka Dowladii Madaxweynaha ka ahaa Dr.C/qaasim Salaad Xasan,Mas'uuliyiin kale oo ka tirsanaa Ururka Al-Islaax oo ay kamid ahaayeen Ibraahim Dasuuqi waxaa sidoo kale Hakaasi goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Hey'adda Samafalka Zem-zem Foundation Shuceyb Cabdalla Diif,Aggaasimaha Cisbitaalka Carafaat ee Muqdisho Muuse Xuseen Cumar (Muuse Afay) iyo Xubno kale.
Madax iyo Mas'uuliyiin ka socotay Jaamacada Muqdisho oo uu horkacayay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Prof.Cali Sheekh Xasan iyo Mas'uuliyiin kale oo uu ka mid ahaa Ibraahim Maxamed Mursal(Ibraahim Dheere)waxa ayna dhamaan dadkaasi Illaah uga baryeen Marxuumka Geeriyooday in uu Janadii Fardowso ka waraabiyoEheladii,Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka teganah samir iyo Imaan ka siiyo Aamiin.
Qaar kamid ah Dadkii Aaskaasi ka qeybgalay intii ay ku mashquulsanaayeen Aasida Marxuumkaasi ayaa Qeybihii Culimada ee halkaasi tagtay waxa ay Akhriyeen Qur'aan aad u farabadan iyo Ducooyin lagu sagootinayay Marxuumkaasi,waxaana sidoo kale ay Culimadaasi Ahriyeen 380 Fidow.
Sheekh Shafiif Sheekh Muxudiin ayaa Saaka intii aan Meydka Marxuumkaasi laga sooqaadin Guri Xalay meydkaasi lagu bariisiiyay ayaa waxa uu Salaadii Janaasada kudushiyay Culimadii halkaasi kasoo Xaadirtay,kadib markii Sheekh ka Cudur daartay in uu wax ka raaco Meydka Macalin C/laahi.
Sidoo kale markii Deegaanka Garasbaaley Meydka la geeyay ayaa waxaa markale Kumanaan Culimo iyo Akhyaar isgu yirtay markale Salaadii Janaasada kula Dukadeen Meydka Macalin C/laahi Maxamed Joqof,iyadoo uu Salaadaasina Dadka Dushiyay Ibraahim Taajir Xaabi Ibraahim Yare,kadibna halkaasi lagu Aasay.
Culimada,Aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee Maanta Goobjooga ahaa Aaska Macalin C/laahi Maxamed Joqof oo lagu Aasay Qauuraha Sheekh Ibraahim Cali Gacal ee Deegaanka Garsbaaley ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ehelada iyo Caruurta Marxuumkaasi,waxaana Caruurtii uu ka tegay Macalin C/laahi ee Maanta Aaska joogtay ka mid ahaa:-
1-C/raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow
2-Axmed Macalin C/laahi
3-Mukhtaar Macalin C/laahi
4-Ismaaciil Macalin C/laahi (Suuley)
5-Zeyd Cumar Macalin C/laahi
6-Zeyd Cali Macalin C/laahi
7-Maryan Macalin C/laahi
8-Seynab Macalin C/laahi
9-Shamso Macalin C/laahi
Waxaa sidoo kale howsha Aaska Macalinka hormuud ka ahaa Xasanley Maxamed Joqof oo la dhashay Macalin C/laahi Joqof iyo Qaarka mid ah Ehelka Sheekhaasui Geeriyooday oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cumar Dhugte,Nabadoon Khaliif Cirba dheere iyo kuwo kale.
Gebagebadii Aaska ayaa waxaa hadalo kookooban halkaasi kasoo jeediyay Culimaa'udiin ku hadlayay Qeybihii kala duwanaa ee kasoo qeybgalay Aaska waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay:-
Sheekh C/qaadir Sheekh Ibraahim Gacal Reer Sheekh Ibraahim Cali Gacal
Sheekh Muuse Mara-Cade oo ku hadlay Dariiqadii ay ka socdeen
Sheekh Axmed Macalin Daahir oo ku hadlayay Reer Sh.Daa'uud Culusow
Sheekh C/raxmaan Sheekh Xuseen Cadde oo u hadlayya Reer Sh. Xusen Cadde
Sheekh Nuur Macallin Axmed oo ku hadlayay dariiqada Sheekh Cabdi Cumar
Sheekh C/qaadir Soomoow oo ku hadlay Magaca Ahlusunah
Sheekh Cago weyne oo ku hadlay Jameecada Macalin Boyo maaloow
Sheekh Ibraahim Taajir Xaaji ibraahim oo ku hadlayay Dariiqada Reer Xaaji Ibraahin.
Siyaasiga Axmed Abroone Amiin iyo Prof.Cali Sheekh Xasan iyo Mas'uuliyiin kale,kuwaasi oo dhamaantood halkaasi kasoo jeed Duruus Diini ah iyo Dardaaran ku aadan waxyaabaha looga baahanyahay Qofka Muslimka ah inta aan Geeridu ku imaan in uu la yimaado Alle ka Cabsi iyo Ducooyin ay halkaasi uga jeediyeen Macalin C/laahi Maxamed Joqof oo ay dhanaantood sheegeen in ay Marqaati ka yihiin in uu ahaa Adoon Ilaahey oo gudan jiray Cibaadada Alle islamarkaan in kabadan 70-Sano ilaa uu ka dhinto uu ahaa Macalin Dugsi Qur'aan ilaa hadana Dugsigii uu Maclinka ka ahaa uu ku yaalo Tuulada Mesogaay ee Gabalka Galguduud oo dhawaan laga keenay isagoo Xanuunsan,Cumrigiisana uu ku dhameystay Fidinta Diinta Islaamka.
.jpg)
Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo soo gebagebeeyay Hadaladii Munaasabadaasi Aaska laga jeediyay ayaa ka dalbaday Xasanley Maxamed Joqof in Caruurta Macalin C/laahi laga Doonayo Mas'uul sii hogaamiya howshii uu hormuudka ka ahaa Macalin C/laahi Macamed Joqof gaar ahaan dhinaca Dariiqada waxaana Xasan ley Maxamed Joqof oo ah Adeerka Caruuta Macalin C/laahi uu halkaasi ka sheegay in Macalin C/laahi intii uu noolaay uu ka dardaarmayArimahaasi,islamarkaana Mas'uuliyadaasi uu u dhiibay ASxmed Macalin C/laahi kuxigeena uu uga dhigay Mukhtaar Macalin C/laahi,halka Zeyd Cali Macalin la sheegay in looga dardaarmay in uu Macalin ka ahaado Dugsigii uu heynjiray Aabihii Macalin C/laahi joqof.
Sidaas ayaana loogu Duceeyay Caruurta Macalin C/laahi uu ka tegay iyadoo sidaasina lagu soo Afjaray Munaasabadii Aaska Macalin C/laahi Macamed Joqof oo 24-01-09 ku geeriyooday Magaalada Nayroobi oo dhawaan loo geeyya howlo Caafimaad,kadib markii isaga oo Xanuuno yar-yar hayaanlaga soo qaaday Tuulada Mesogowaay Muqdisho loosoo waday uu shil baabuur ku galay Wadada Xeebta ah ee isku Xirta Xamar iyo Deegaanadaasi Gobalka Galguduud,kadibna uu ka jabay Sinta.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Munaasabada Qur'aan Akhris Doco ah oo loogu duceynayay Macalin C/laahi Joqof ayaa waxa ay ka dhacday Magaalooyinka Ceeldheer,Mesogowaay,Galcad,Muqdisho iyo meelo kale oo kamid ah Dalka Soomaaliya sida uu webkan u sheegay Sheekh Maxamed Daa'uud oo kamid ah Culimaa'udiinka waaweyn ee Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galguduud oo aan Xogwareysi kala yeelanay Munaasabada Qur'aan Akhriska ah ee ay Degmadaasi ku qabteen,isagoo intaas ku daray in ay Akhriyeen Qidmooyin Qur'aan ah oo aad u farabadan iyo Didow Boqolaal gaaraya welina ay siiwadaan Qur'aan Akhriskaasi loogu Doceynayo Macalin C/laahi Maxamed Joqof.
Xafiiska wararka ceelqaboobe.com
Muqdisho-Soomaaliya
calidhuux86@hotmail.com
Webmaster@ceelqaboobe.com