Inkastoo uu xirmay suuqa kala iibsiga ee Jiilaalkan, haddana gidoomiyaha AC Milan Adriano Galliani ayaa sheegay in uu wax walba u samayn doono si ciyaaryahan David Beckham kooxda uu u sii joogo.
Ciyaaryahanka qaranka Ingiriiska ayaa lugtiisa ku caddeeyay in uu u qalmo inuu xirto maaliyada Rossoneri kulamadii yaraa ee uu u ciyaaray isagoo beeniyay wararka dadka dhaliisha u soo jeediyay kuna tilmaamay inuu yahay heshiiskii ugu xumaa sanadan Italian Seria A.
Adriano Galliani ayaa ku yiri saxaafada: " Beckham weli waa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Los Angeles Galaxy, mana la saxiixan karno heshiis dhamaystiran oo uu nagula joogo, waxaana u doonaynaa inuu nala joogo inta ka harsan xilli ciyaareedka ama in ka badan, inkastoo aan ixtiraamayno heshiiska aan uga keenay kooxda Mareykanka haddana arinta waan la sii qaadaa dhigi doonaa, waxaana doonayaa inaan sameeyo arin i xasuusisa dhamaystirkayga sannadii 23-aad ee kooxda Milano aan la joogo."
Beckham oo ku joogo amaah kooxda Milan ayaa la filayaa inuu ku laabto kooxda Los Ageles 09/Maarso waxaase laga yaabaa in arintaas ay ka soo cusboonaadaan waxaana idiin balan qaadaynaa inaan idiin soo gudbino ee la soco oo akhriso Website-ka ceelqaboobe.com
Wararkaan Sports waxaa diyaariya
C/Naasir Maxamed Axmed (Zerro)