Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo dalka Portugal Anderson Deco ayaa ka hadlay xaalada tababare Scolari iyo dhibaatooyinka weerarka ku soo qaaday kooxda Blues, wuxuuna sheegay in tababare Scolari isku dayayo inuu kasbado kalsoonida taageerayaasha iyo halmaamida tagitaankii dhawaa ee tababare Mourinho oo keydka kooxda ku soo xareeyay koobab fara badan.
Deco ayaa carabka ku adkeeyay in Scolari aanan lala barbar dhigi karin tababare Mourinho maadaama uusan lahayn khibrad uu kula qabsado horyaalka adag ee English Premier league, waxaana xaalada sii xumaynaya jacaylka shaqsiga ah ee ay u qabaan tababare Mourinho iyo in la soo celiyo guulihii uu kooxda gaarsiiyay waqti dhaw.
Kubbad sameeyihii hore ee kooxaha Porto iyo Barcelona Anderson Deco ayaa sii raaciyay hadalkiisa in Scolari uu yahay tababare wanaagsan laakin uu u baahanyahay waqti si uu naftiisa u soo saaro wuxuuna aaminsanyahay in la soo gaaray waqtigii hore loo socon lahaa natiijooyin wax ku ool ahna la soo hoyn lahaa kadib ku soo biiritaanka kooxda garabka weerarka ee Portugal Ricardo Quaresma.
Wararkaan Sports waxaa diyaariyay
C/Naasir Maxamed Axmed (Zerro)