Iyadoo u gebagebo ku dhawyahay qandaraaska ciyaaryahan Samuel Eto'o uu kula jira kooxda Bluagrana ayaa waxaa soo baxaya warar ku tiri ku teen ah oo shaki gelinaya mustaqbalka Eto'o ee kooxda Barcelona.
Laga soo bilaabo kooxaha waaweyn ilaa kuwa yaryarka ah, Inter Milano ilaa Chelsea, min PSG ilaa Marsielle waxay doonayaan inay la wareegaan weeraryahanka Cameroon, Barcelona iyana waxay qiimeynaysaa inay qandaraaska u kordhiso ama inay si toos ugu bedelato labada weeraryahan ee David Villa ama Karim Benzema midkood.
Eto'o naf ahaantiisa, waxa uu ka niyad jabsanyahay sii joogitaankiisa Nou Camp, balse waxa uu doonayaa shaqaalaha Catalanka inay ka dhigaan mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu mushaar badan caalamka, iyadoo u qandaraaskiisa dhacayo 30/June/2010 ayuu doonayaa inay laga dhigo ciyaaryahan lama taabtaan ah oo aanan laga maarmin sida Lionel Messi loona gacan geliyo mushaar sareeya.
Inkastoo kooxda Barcelona aysan bulshada u soo bandhigin mushaarka ay ciyaartoydeeda qaataan ayaa haddana Website laga leeyahay dalka Portugal
www.futebolfinance.com baaritaan uu sameeyay lagu ogaaday in Eto'o uu kooxda weydiistay 7.5 Million Euro xilli ciyaareedkiiba, iyadoo lala barbardhigayo Lionel Messi oo ah ciyaaryahanka saddexaad ee adduunka ugu mushaar badan, kadib ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic iyo Ricardo Kaka oo qaata lacag dhan 8.4 Million Euro.
Wargeyska AS ayaana aaminsan in maamulka Barcelona ay u degegi doonaan inay heshiis cusub ka saxiixaan si aanan loo kala dhantaalin fekerka gool dhalineed ee ciyaaryahanka iyo madaxweyne Juan Laporta oo u arka in qandaraaska cusub ee Eto'o oo ka caawin karo ololihiisa madaxtinimo ee la qaban doono sanadda 2010-ka.