Sida laga soo xigtay skysport24,aqbaar naxdin leh ayaa soo gaartay taageerayaasha AC Milan oo ku saabsan dib u soo laabashada ciyaaryahan Alessandro Nesta, iyadoo la sheegayo inuusan saaka sariirta ka soo degin.
Iyadoo ay isku dayayaan Dhaqaatiirta caafimaad ee kooxda inay rajo ku nool ahaadaan, kadib dhaawaca waqtiga dheer uu ka soo bogsanayay ciyaaryahanka, iyo ku soo kabashadii dalka Mareykanka ayaa haddana arintani waxay ku tahay dhabar jab.
Dooqa ugu wanaagsan ee uu haysto ciyaaryahanka waqti xaadirkan ayaa ah inuu marko qaliin hor leh, waxayse qatar ku noqon kartaa mustaqbalkiisa, maalmaha soo socdana Nesta iyo dhaqaatiirtiisa waxay u noqon doonaa kuwa adag, si ay u dhiraan-dhiriyaan xalka ugu macquulsan iyagoo aanan ku dagdagayn inay qaataan go'aan sahlan si arinta looga samata baxo.
Ciyaaryahan Alessandro Nesta ayaa ku guuldaraystay in uu garoomada ka soo muuqdo xilli ciyaareedkan, waxaana la filayay inuu kursiga kaydka soo fariisto kulanka Derbiga Milano maalinta Axadda ah.