Kooxda Real Madrid waxay marti gelin doontaa kooxda Liverpool 25/Febraayo kadib markii ay isku aadeen wareegga 16-ka ee Champions League, Van Der Vaart-na waxa uu aaminsanyahay in kooxda martida ah ay ka baqanayso kooxda Real Madrid- runtana ay sidaa tahay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Dutch ayaa u sheegay wargeyska The Sun: " Waxaan nahay Real Madrid, taasna waa sababat aan ugu malaynayo in kooxda Liverpool ay nooga cabsanayso, waxaan haysanaa ciyaaryahano waaweyn, waxayna noqon doontaa kulan weyn."
Labada koox waxay iska hor imaanayaan iyagoo kaalinta labaad horyaaladooda uga kala jira, inkastoo kooxda Merseyside-ka labada dhibcood ee ay ka hooseyso kooxda Man United ay ka wanaagsantahay 10 dhibcood ee kooxda Real Madrid ay kor ugu fiirinayso kooxda Barcelona.
Van Der Vaart oo hoos u dhac uu ku yimid qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ee uu la yimid horyaalka Spain bilowgiisa ayaa ku rajo weyn in kooxda Los Merengues uu u hogaamiyo koobkii tobanaad ee horyaalada Yurub ah.
Waxaa uu yiri: " Waxaan u xiiso qabnaa inaan wax wanaagsan ka sameyno tartanka Yurub, haddii aan ku dhamaysano horyaalnimo , wax kasta ayay u qalantaa, waxaan u samayn doonaa wax kasta si aan ugu guuleysto Champions League."