Raul Gonzales wiilka dahabiga ah ayaa magaciisa ku qoray xarfo dahab ah buugga taariikhda Real Madrid, kadib markii uu taariikh cusub u sameeyay ciyaaryahanada ugu gooldhalinta badan kooxda Merengues-ka isagoo ka sara maray halyayga nool ee Alfredo De Stefano oo hore ui dhaliyay 307 gool, Raul ayaana ciyaartii habeen hore ay la ciyaareen kooxda Sporting Gijon labadii gool ee uu ka dhaliyay ay goolshiisa ka dhigtay 309 gool.
Raul ayaa intii uu garoomada ku jiray jebiyay dhowr rikoor, guushii ugu danbeysay ee gooldhaliyaha Real ahna waxay noqon doontaa mid in badan sii waarta, waana ay ku adkaan doontaa in uu ciyaaryahan kale jebiyo rikoorkan maadaama uu Raul weli garoomada ku sii jiro, fursad ballaaran ayuuna u haystaa inuu rikoorkiisa siyaadiyo.
Waxaan idiin soo bandhigaynaa 309-ka gool ee Raul tartamada uu ka kala dhaliyay tan iyo markii uu kooxda Real Madrid uga soo biiray kooxda Atletico Madrid 1994.
# 216 gool horyaalka Sapin ee La liga.
# 64 gool Champions League
# 7 gool koobka Super Spain.
# 18 gool koobka Del Rey
# 2 gool koobka Intercontinental-Toyota
# 1 gool koobka qaaradaha
# 1 gool koobka Super ee Yurub.
Wararkaan waxaa soo diyaaiyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
zerro77@hotmail.com