Arjen Robben ayaa qirtay maqribkan in inkastoo ay soo dhimeen farqiga u dhaxeeya kooxda Barcelona ay haddana 10 dhibcood weli badantahay, iyo inay kooxdiisa u baahantahay inay ku garaacdo laba gool lugta hore ee koobka Champions league kooxda Liverpool FC.
Real Madrid ayaa hoos ugu soo dhigtay dhibcaha u dhaxeeya iyada iyo Barcelona 10 dhibcood iyadoo uga mahadnaqaysa kooxda Real Betis ciyaar ka dhacday garoonka Manuel Ruiz de Lopera oo barbardhac ku dhamaatay.
Robben ayaa u sheegay wargeyska Marca inay sii wadi doonaan dagaalka horyaalka walow ay tahay howl adag.
" Waxaan haysanaa koox wanaagsan oo tayo leh, wax kale ma samayn karno oo aan ka ahayn inaan badino kulamadeena," ayuu yiri
" Waa inaan ku fikirnaa inaan guulaysan karno sababtoo ah inaan sii ahaano kaalinta labaad ma wanaagsana balse waa inaan ahaanaa dad waaqici ah."
Kadib kulanka Real Betis ay la ciyaari doonaan maalinta sabtida ah, Real Madrid waxay kula balansantahay kooxda Liverpool garoonka Bernabue.
Robben waxay u ahaan doontaa kulan uu aqoon u leeyahay, waqtigiisa Chelsea waxa uuna doonayaa in uu ka guuleysto.
Liverpool waa koox adag, waxay haystaan tababare taaktiko yaqaan ah, isla markaana garanaya si loo guuleysto kulamadan oo kale, waa muhiim inaan gurigeena gool ku dhalinaa, waa inaan ku badinaa laba gool sababtoo ah ina lagu ciyaaro Anfield waa wax adag." ayuu sii raaciyay.
" waxaan doonayaa inaan garaaco Liverpool, laba mar ayay iga soo saareen semifinal-ka Champions league, (Pepe) Riena waxa uu iga qabtay rigoore, wqaxaan doonayaaa inaan mid kale qaato (rigoore) oo aan dhaliyo."
Wararkaan waxaa soo diyaaiyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
zerro77@hotmail.com