Ciyaaryahan Ronaldinho waxaa laga yaabaa inuusan maalmahan si wanaagsan garoomada uga dhex muuqan laakin weli waxaa la gudoonsiinayaa bilado walow midsan aysan ahayn mid uu ku faraxsanyahay.
Ronaldinho ayaa noqday ciyaaryahanka Afaraad ee ugu fildaran ciyaaryahanada kubadda cagta adduunka sida lagu xusay wargeyska The Sun.
Waxaa kaalinta koowaad ee qiimeynta galay weeraryahankii hore ee kooxaha Crystal Palace iyo Westham United Ian Dowie, kaalinta labaadna waxaa galay ciyaaryahankii hore ee Man Utd haatana u ciyaara kooxda MK Dones Luke Chadwick kaas oo wargeysku uu ku sheegay inuu caan ku yahay Foolxumadiisa in ka badan inta uu caan ku yahay kubadda cagta uu ciyaaro.
Sidoo kale qiimeynta laguma soo darin ciyaaryahanka howsha badan ee kooxda Liverpool FC Dirk Kuyt, Ronaldinho oo hadda uga maqan dhaawac kooxdiisa AC Milan lana filayo in uu dhawaan garoomada ku soo laabto ayaa daawatada ku soo jiita xirfadiisa iyo howshiisa garoonka dhexdiisa in ka badan muuqaalkiisa.
Wararkaan sports waxaa diyaariyay
C/naasir Maxamed Axmed (Zerro)
zerro77@hotmail.com