Tababaraha kooxda Reds Rafa Benitez ayaa sheegay in rajo laga qabo in labada ciyaaryahan ee Fernando Torres iyo Alvaro Arbeloa ay soo laabtaan kulanka Real Madrid maalinta Taladaada ah.
Waxaa laga welwel qabay inay kulankaas ka maqnaadaan, iyadoo Alvaro Arbeloa uu ka hor imaanayo kooxdii hore uu u shaqayn jiray halka Torres uu wajahayo cadowgiisii hore ee Madrid.
Torres iyo Arbeloa ayaa ka kala cabanayay dhaawacyo Anqawga iyo Qoobka ah sida ay isagu xigaan, Benitez ayaase ku dhawaaqay in dib loo heli doono kulanka adag ee Anfield.
" Torres horukac ayuu samaynayaa laakin waa degdeg in la dhaho waa dhamaystiranyahay," ayuu u sheegay Websiteka kooxda Liverpool FC.
" Dhakhaatiirta ayuu si adag ula shaqaynayaa, waxaana leenahay 3 ilaa 4 tababar inta aanan go'aan ka gaarin."
" Cayaarhanada waa ay kala duwanyihiin, waa inaan sugnaa oo aan aragnaa waxa dhaca."
" Arbeloa isna waxa uu la mid yahay Torres waxaana isku dayi doonaa inaan hore u riixno dhowrka maalmood ee soo socda."
Ciyaaryahanka kale ee dhaawaca ah ee ay yartahay rajadiisa ah inuu ciyaaro kulanka Real Madrid waa Daniel Agger oo dhaawac dhabarka ah la taahaya.
Benitez ayaa sii raaciyay: " Daniel Agger waa ay ku adkaan doontaa, balse isagaba waxa uu ula shaqaynayaa Dhakhaatiirta si wanaagsan, seddaxdaba waa ay soo dhawyihiin."