Zinadine Zidane ayaa ku celceliyay sida uu u jecelyahay inuu ku soo laabto kooxda Real Madrid laakin uusan doonayn inuu u noqdo tababare ama agaasime balse uu doonayo inuu noqdo danjire waqti xaadirkan.
Xiddigii hore ee Faransiiska Zidane ayaa cadeeyay inuu ku soo laabanayo kooxda Real Madrid haddii uu Madaxweyne Florentino Perez meesha soo galo doorashooyinka lagu balansanyahay inay qabsoomaan Xagaaga soo socda.
Waxa uu doonayaa inuu qabto jago la-talin ama matalid kooxda Madrid ah, balse maankiisa kuma jirto inuu bedelo tababare Juande Ramos oo uu xilka qabto kana soo muuqdo kursiga keydka garoonka Santiago Bernabue.
" Haddii ay iga doonayaan inaan wax sameeyo, aana samayn karo waan wada samaynaynaa, waxaan doonayaa inaan kubbada cagta ku soo laabto."
" Qof ayaa ahaan jiray ciyaaryahan weyn, taasi kama dhigna inuu durbadiiba isku bedelayo tababare ama agaasime weyn."
Florentino Perez ayaa weydiistay Zinadine Zidane inuu ku caawiyo in laga dhaadhiciyo bartilmaameedyo fara badan inay kooxda ku soo biiraan oo uu ugu horeeyo garabka duula Frank Ribery.
C/naasir Maxamed Axmed
zerro77@hotmail.com