Raul, kabtanka Halyeeyga ah ayaa kooxdiisa hore u riixay isaga oo yiri: " waa inaan ka kacnaa guuldaran, weli waxaa na horyaal Laliga mana ahan inaan dagaalka joojino."
" Maalamaha na horyaala ma sahlana, waxaa muhiim ah inaan is dejino sabatoo ah Sabtida waxaa na horyaala kulan xasaasi ah waana inaan Mooraalkeena kor u qaadnaa si degdeg ah," ayuu sii raaciyay.
Raul ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay goolhaye Iker Casillas oo ciyaartii xalay kooxda Los Blancos dhulka lagu jiiday markii ay dhamaatay ay ilmo ka soo qubatay.
Sidoo kale, labada daafac ee wax laga weydiin karo guuldaradii xalay ayaa u cudurdaartay taageerayaashooda iyagoo wacad ku maray inay khaladaadkooda dib u sixi doonaan.
"Dhamaanteen waan bah-dilannahay, waxa kali ah ee aan samayn karnana waa inaan taageerayaasheena u cudurdaarano, waan ka xunnahay inaan helin natiijadii aan rabnay, waa inaan isku duubnaanaa si aan ugu dagaalno horyaalka La Liga," ayuu yiri Ramos.
Pepe ayaa ka daba hadlay Ramos oo yiri: " waan ka xumahay inaan sidan aan ku soo harno, sida ugu mudan ee aan ugu mahadnaqi karno taageerayaashena soo safranay waa inaan ka raali gelinaa guuldarada."
" Laakin waxaa muhiim ah inaan u sii dagaalano horyaalka, taasi waa waxa kaliya ee aan u tartami karno inta xilli ciyaareedka ka dhiman," ayuu ku dhameeyay.
Real Madrid ayaa waxay ka hooseysaa kooxda Barcelona Lix dhibcood, maalinta Sabtida ahna waxay booqan doontaa garoon aan laga jecleyn marka ay u martiso kooxda Atletico Bilbao, waxaana kulankaas la ciyaari doonaa 00:00 waqtiga bariga Afrika.