
Laacibka 19-ka jir ka ah ee Ayuub Jenyo kana tirsanaan jiray juunyarka Kooxda Juventus ayaa xalay lagu soo daray markii ugu horeysay ciyaartoyda heeka koowaad ee Juventus.
Ciyaaryahankaan ayaa la keenay daqiiqadihi u danbeeyay ee cyaartii xalay ay Kooxdiisa Juventus la lahayd kooxda Bologna oo ay Jubentus kaga adkaatay xalay 4-1 waxaana xalay noqotay habeenkii sportiga Soomaaliyeed madaama ciyaaryahnkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed uu saftay kulan ka tirsan Horyaalka Talyaaniga .
Si kastaba ciyaaryahankaan ayaa liiska madow ee sports-ka soomaaliya soo afjaray mar hadii uu uu saftay mid ka mid ah horaayaaklaad yurub ee loogu jecelyahay shaashadaha ugu badan caalamkana ay wada eegayeen .
Ciyaaryahanaan waxaa uu ka soo jeedaa qoys spors waxaana lagu xasuustaa aabihiis iyo abtigiisba Kooxdii heerka koowaad ee Jeenyo inkastoo abtigiis uusan nooleyn xiligaan waxaana la dihi jiray Ayuub iyadoo loogu magac daray ciyaaryahankaan lafitiisa.

ceelqaboobe.com
C/Fitaax Maxamed Salaad (Diyeeshe)
diyeeshe15@hotmail.com
webmaster@ceelqaboobe.com