Xiriirka kubaad Cagta ee Dalka Ingriiska ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin ciyaartoyda u sharaxan inay ku guuleystaan sanadkaan xidignimada Horyaalka Dalkaasi Ingriiska.
Magacyada ciyaaryahanada u sharaxan xidignimada sanadkaan islamarkaan rajada ka leh inay hantaan abaal marinta lagu maacaabo PFA (PREMIER LEAGUE FOOTBALLER OF THE YEAR ) ayaa kala ah sidaan:
Rio Ferdinand,Cristiano Ronaldo,Edwin Ven der saar ,Numenja Vidic,Ryan Giggs,iyo Steven Gerrad kuwaasoo dhamaantood la hadal hayo in midkood uu ku guuleysan doono marka tar tan ama codad loo qaado kadib.
Ciyaaryahan Ronaldo ayaa haysta abaalmarintaa oo sanadkii hore ku guuleystay waxaase hada si weyn loogu saadaalinayaa steven gerrad oo horey u helay abaalmarintaan 2005-tii.
Xafiiska wararka ceelqaboobe.com
A/Fitah Mohamed Salad (Diyeshe)
Mogadishu Somalia