Maalintii Shalay ayaa Hoteelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad Qaddo sharaf aheyd lagu Maamuusayay soo gebagebeynta Shirweynihii 5-aad ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo lagu kala qabtay labo doorasho oo ka kala dhacay Magaalooyinka Djibouti iyo Muqdisho,kuwaasi oo lagu kala doortay Gudoonka sare ee GOS iyo qaar kamid ah Xiriirada Hey'adaha Sportiga.
Dhageyso warkii dalka


Munaasabadaasi oo ay ka qeybgaleen Madax iyo mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Soomaaliya, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada hoos-yimaada iyo marti sharaf kale ayaa waxaa lagu soo bandhigay Khudbado kala duwan oo ay oo halkaasi ay ka soo jeediyeen Gudoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS Aadan Xaaji Yeberow Wiish,Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga Dowlada Soomaaliya Saleebaan Colaad Rooblle,Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid),kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay ku faraxsanyihiin sida ay u socdaan Howlaha Sportiga Soomaaliyeed.


Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo Khudbadii ugu horeysay halkaasi ka jeediyay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay qabashadii shirweynihii 5aad ee GOS iyo hoggaanka cusub ee isaga lagu doortay,Wiish waxa uu sheegay in doorashadii madaxda GOS oo Jibouti lagu qabtay ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Adduunka IOC, Guddiga Olombikada Jibouti, Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya iyo Soomaali Qurbo-joog ah.
Aadan Xaaji Yeberow Wiish waxa uu intaas ku daray in Doorashadaas ay u dhacday si xaq ah oo xor ah, isagoo Xusay in uu goob-joog ka ahaa Garyaqaan ka socday Guddiga Olombikada Adduunka, kaasi oo uu xusay in uu sharciyeeyay qaabkii ay doorashada u dhacday.
Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu sheegay in markii uu furmay Shirweynihii 5aad ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu Wasiirka Dhalinyarada Isboortiga uu u soo jeediyay GOS in cafis loo fidiyo dad loo ganaaxay, “sidaas darteed waxaan u soo jeedineynaa shakhsiyaadkaas la cafiyay in ay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan, muujiyaanna waxqabadkooda”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
“Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada hoos-yimaada waxaan kula dardaarmayaa in loo soo jeesto waxqabad Isboorti oo dhab ah, lagana fogaado in kursiga la kululeeyo oo kaliya iyadoo aan waxba la qabaneynin”ayuu yiri Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo hareerihiisa ay fadhiyeen ku xigeennadiisa kala ah Xaaji Cabdi Cilmi Warsame iyo Xasan Elman.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas.Cabsi Xasan Cawaale "qeybdiid" ayaa dhankiisa halkaasi ka jeediyay hadalo kooban oo ku aadanaa sida Sportigu uga qeyb qaato is dhexgalka Bulshada iyo sida Boliiska Soomaaliyeed iyo Sportigu ay u wadashaqeeyaan.
“Aniga muddo 11 sano ah oo lasoo dhaafay waxaan ku howlanaa horumarinta Isboortiga waxaana gelinayay hantideyda, wax kalena ma aha waan Isboorti jeclahay"isagoo intaas ku daray: “Haddii Shirkadaha ganacsiga ay sameeyaan kooxo isboorti ah oo dadka oo dhan uu noqdo mid isboorti ciyaara, mid taageera iyo mid taakuleeya waxaa yaraan lahaa dagaallada, dilka iyo wax hub qaata, magaaladanna nabad ayay noqon lahayd”ayuu mar kale yiri Jen. Cabdi Qeybdiid

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay Madaxda GOS ee lagu doortay shirweynihii 5aad ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeediyo qeybaha Xiriirada Sportiga wuxuuna caddeeyay in Wasaaraddiisa ay goob-joog ka ahayd doorashadii hoggaanka GOS ee lagu Doortay Aadan Xaaji Yeberow Wiish,isagoo sheegay Wasiirku in uu ka sugayo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed in la fuliyo dardaaran uu u jeediyay oo ahaa in ay waxqad la yimaadaan Madaxda Hey'adaha Sportiga, isla markaana ay dardargeliyaan howlaha Isboortiga Soomaaliya.
“Annaga hadda waxaan gacanta ku heynaa qorshe aan xus weyn oo Isboorti ugu samyenyno maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxaana rabnaa in ay tartankaas ka qeybqaataan 16ka degmo ee gobolka Banaadir”ayuu yiri Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo sheegay in qabashada tartankaas ay iska kaashanayaan Wasaaraddiisa, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.







Kaqeybgalayaashii Munaasabadaasi lagusoo gebagebeynayay Shirweynihii 5-aad ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Gunaanadkii Xafladaasi waxa ay Hoolka Shirarka Hotel Naasa-hablood oo ay ka dhacday Xafladaasi kasoo baxeen iyagoo aad u Faraxsan oo dhoola cadeynaya.
Dhageyso warkii dalka
Xafiiska wararka ceelqaboobe.com
Muqdisho-Soomaaliya
calidhuux86@hotmail.com
Webmaster@ceelqaboobe.com