RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

Caasimaddeennii oo ilmaynaysa ayaan soo arkay...!! Qeybaha 1-aad 2-aad 3-aad & 4-aad.- 30 Jan 2010
waxaa la daabacay Sat 30 Jan 2010 13: 57: 52

Hawl-qarameed degdeg ah awgeed ayaan ugu amba-baxay xaggii dalka. Dayuurad ayaan ka raacay magaalada Cadan oo dalka Yemen ah, taas oo ku socotay Caasimaddeennii Muqdisho.
     Markii ay Dayuuraddu ku-dhowaad laba saacadood ku jirtay Hawada, oo ka wareegtay dhanka Badweynta 'India' ayay caga-dhigatay Garoonka Dayuuradaha ee Muqdisho(Aadan-Cadde Airport).
     Garoonku ma uusan lahayn wejigii aan ku arki jiray 20-neeyo sano ka-hor; dayac-tiridda, casriyeynta iyo ballaarinta uu u baahan yahay ka-sokow, waxaa gees kasta kaga hareeraysnaa, oo si xad-dhaaf ah uga baxay dhir dool ah oo qodaxyo badan.oo siday iyadu doonto isaga tarantay..!!..
     Dhirtaas dhexdeed, siiba dhanka Dugsigii Xalane, waxay Fariisimmo ku-meel-gaar ah u ahayd Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee 'AMISOM'.
     Waddada halbowlaha ah ee isku xirta Garoonka Dayuuradaha ilaa Is-goyska muhimka ah ee Km.4 waxay u baahneyd dayactir xoog leh. Nidaam la'aan iyo nadaafad-darri ayaa u sugnaatay halkaas. Hareeraha waddadaas waxay ka qotomiyeen Buushash laga shaaheeyo,kuwo shidaalka lagu kala iibsado, dhismayaal Jiingado ka samaysan iyo Aqallo Obosiibo ah oo la mid ah kuwii 70-kii laga burburiyay  jiiddaas.
     Maalintii 2-aad ee Safarkayga waxaa la iga soo kaxeeyay Hotelkii aan degganaa ee agagaarka Km4. Gaari ay Ilaalo xooggani la socdeen ayaannu u soo raacnay dhanka gudaha magaalada. Waxaannu soo beegsannay Waddada caanka ah ee Maka Al-Mukarrama.
     Bilowgii horaba markii aannu ka dhaqaaqaynay Barxadda Km.4, aanna weli taaggannahay inta u dhaxaysa Taalladii Axmed Gurey, Aargada 21-Oktoobar, Hotel Naasa-hablood,,kaalintii Shidaalka iyo Safaaradihii Masar iyo Ciraaq, ayaan jalleecay dhankayga midig iyo Waddada aadda 'Afazione' iyo Xamar Jajab.
     Waxaan aad uga calool-xumaaday xaaladda ay hadda ku sugan yihiin labadaas waddo iyo dhismayaasha ku hareera-yaalla..
      Durba waxaan soo xusuustay markii ay 70-meeyadii Fannaanada Hibo ku heesaysay:-"Jidka Hodan ka muuqdee, Maka loogu magac-daray, midka kalee ka bayree, Millatariga dhinac-mara, ma miliilicdeen weli, mana jiriiricooteen..Ma ogtihiin magaalada Muqdisheynu joogno sida maanta ay tahay..."?!!.
     Horaan ugu sii soconnay Maka Al-Mukarrama. Waxay ahayd Xuduud ay isku hor-fadhiyeen laba ciidan oo ay colaad-xumi ka dhaxayso. Kuwaas oo ku wada-hadla oo keliya Tacshiiradaha, Qarxinta iyo Duqeynta Madaafiicda iyo kuwa Hoobiyayaasha.
     Waddadu meel halis ah ayay ahayd.Qaybo Ciid ayaa dabooshay, Qaybo dhufeys-ahaan ayaa loo adeegsanayay, Qaybo waxaa ka qodnaa godad ay sababeen Madaafiic lagu duqeeyay, Qaybana waa laga leexanayay oo waxaa lagu tuhmayay in ay Miinooyin ku aasan yihiin...!!.
     Dhammaan Dhismayaasha ku hareeraysan Waddadaas ee ka kala tirsan Degmooyinka waaberi, Hodan iyo Hawlwadaag sidii Shabaqa oo kale ayay xabbaduhu u doleeliyeen.
      Daqiiqad aan ku hakannay Barxadda weyn ee Weliyow-Cadde(Sayidka) oo iyadu u dhaxaysa: Golihii Ummadda, Masjidkii Isbahaysiga, Taalladii Sayidka, Xaruntii Booliska ee 88 ayaan bari, galbeed, woqooyi iyo koonfur  u eegay magaalada. Sifaha keliya ee aan siin karay Caasimaddeennii ayaa ahayd inay ilmaynayso...!!.
     Rumaysta ama ha rumaysannina...aniguna waan ilmeeyay...!!.
     Masjidkii Isbahaysiga dhismo ahaan waa uu taagnaa, laakinse wuxuu u baahnaa dayactir, daryeel iyo dad u damqada...!!..
      Taalladii Dhagaxtuur, waxay beerteedii ka dhigeen bannaan. Sawirkii ninka dhagaxa tuurayay ee taariikhda halganka gobannima-doonka ummadda lagu weynaynayay, inta ay kala degeen, ayay u iib-geeyeen dalalka carbeed, si ay beeso uga helaan..!!.Sawirkii Faraska ku joogay ee Sayidka ayay isagana waddadaas oo kale la mareen...!.
     Taariikhdeennii iyo  horumarkii aynu hore u gaarnay ayaynu gacmaheenna iyo gacmo-shisheeye ku burburinnay, aasnay oo weliba inkirnay. Aayad Quraanka ka mid ah ayaa leh:-"Yukhribuuna Buyuutahum bi'aydiihim"...!!.


Caasimaddeennii oo ilmaynaysa ayaan soo arkay..!!


Qaybtii 2-aad


     Maalin kale ayaa la ii kaxeeyay dhanka gudaha magaalada. Waxaa la i soo daawadsiiyay sida ay isu baddashay  faras-magaalihii caasimadda; siiba marka laga bilaabo Xarunta Madaxtooyada ilaa agagaarka Hotelkii Al-Curuuba iyo Kawaankii Mallaayga ee ku sii jeeday Badweynta India.


     Golihii Murtida(Tiyaatarkii), Daartii Ururka Haweenka, Maktabaddii Qaranka iyo dhammaan Daarihii ku ag-dhowaa kuwaas, iyagu dhismo-ahaan waa u taagnaayeen, dhagxaantoodiina  waa ay nabad-galeen inta badan, laakinse waxay kala baxeen amaba jejebiyeen wixii: Albaabbo, Dariishado, Muraayado, Marmar, Qalab-koronto, Tuubooyinkii Biyaha iyo gebi-ahaanba Agabyadii xagga quruxda, bilicda iyo kaabayaasha kale loogu tala-galay.


     Inuu Shisheeye cadow ah ka adeegtay mooyaane,, marnaba lama rumaysan karo inay burburkaas ku lug-leeyihiin dad u dhashay dalka oo Soomaali ah, markii la eego sida wax loo aafeeyay..!!.


     Ammakaak iyo Argaggax waxaan dhulka ula dhici gaaray, markii aan tagay meel barxad ah, oo ay ka baxday dhir qodaxyo badan. Waxaa laygu yiri:-"Halkan waa bartii ay ku oolli jirtay Daartii Baarlamaankii hore. Taas oo marna Xarun u ahayd Maxkamaddii Badbaadada dalka"..!!.


     Waxaa la iigu war-bixiyay inay burburka ugu weyni geysteen Ciidankii Xabashida(Ethiopia), kuwaas oo isticmaalayay Hub aad uga cuslaa kii iyaga lagala soo hor-jeeday.


      Gebi-ahaanba waxaa lala kacay, oo meesha laga banneeyay Daartii casayd ee taariikhigana ahayd ee 'Ex-Barlaman'. 


     Waxaa iyaguna dhulka yaallay oo aan wax laga soo qaadaba lahayn: Dhismayaashii tacabka Umadda iyo dhididkii Xoogsatada ahaa ee :-Hotel Shabeelle,Wakaaladdii Batroolka, Daartii Zulfiqaar ee xagga Ganacsiga, Dugsigii Sh.Xasan Barsane, Wakaaladdii Ceymiska Qaranka iyo tii Badbaadadaa Shaqaalaha, Xaruntii Wasaaradda Maaliyadda, Bankigii Ganacsiga iyo keydka, Hotelkii Caalamiga ahaa ee Al-Curuuba, Miyuuziamkii Sayid-Barqash ee keydka raadadka taariikhda Soomaaliyeed, Xaruntii Iskaashatooyinka iyo dhammaanba goobihii xagga adeegga bulshada, ganacsiga ama Xafiisyada ahaa ee jiiddaas ku yiil...!!.


     Meelayowgaas markii hore faras-magaalihii caasimaddeenna ahaa, ee joogtada u camirnaan jiray, hadda ma aanan soo arkin cid dhex-socota, ku dhiirranaysa, ama ka adeeganaysa; markii laga reebo kooxo hubaysan oo ku jooga Gawaarida ay ugu yeeraan 'Teknikada'. Waxaa kaloo meelahaas lagula kulmi karaa oo keliya qof-qof iska lugaynaya, isagoo aad mooddo inuu maahsan yahay, saawsan yahay, amaba fajacsan yahay.


     Aagaggas waxaa ka noolaa oo shaqaynayay oo keliya Bankigii dhexe ee Soomaaliya iyo Xaruntii Safaaraddii Shiinaha ee ku dhoweyt Taalladii Xaawa-Taako . Labadaas Xarumood waxaa adeegsanayay Dawladda KMG-ka ah. Waxayna labaduba ahaayeen kuwa u oomanaa macaamiil la soo xiriira..!!.Xaruntii Safaaradda Shiinaha ayaa iyadu Xafiisyo KMG ah u ahayd Wasaarado dhowr ah iyo deegaan Xildhibaanno intaba.


     Waxay ii sheegeen dhinaca 'Ceel-gaab', Bacadlihii Xamr weyne iyo Afar-irdood inay isu baddaleen Gol, duur cidla ah iyo meel lama-galaay ah oo ay halis ka imaan karto....!!.


La soco qaybta 3-aad...


WD/Muxyaddiin M.Kaalmoy


kalmoi@hotmail.com


Caasimaddeennii oo ilmaynaysa ayaan soo arkay...!!


(Qaybtii 3-aad)


     Markii aan dib uga soo laabannay socodkii fajaca lahaa ee aan faras-magaalaha ku gaarnay, ayay Saaxiibbaday si ku tala-gal ah iigu soo leexiyeen Golihii Ummadda.


     Dhisma-ahaan waa ay taagnayd Daartu, oo markeedii hore ayay shub ka wada dhisnayd. Dabaq kaamil ahna dhulka ayuuba hoos ugu jiraa, taas oo xoog u sii yeelaysa Daarta. Laakin Muraayad idilkeed, wixii qalab xagga bilicda iyo dhaldhalaal loogu tala-galay ,iigama ay muuqan meesha, mana aqaan meel ay la mareen, walow ayan ii suura-gelin inaan gudaha u galo dhismaha.


     Daartii caddayd ee haybadda qarannimo muujinaysay, waxay u muuqatay hadda mid ka qoomamaynaysa sababta ay xilligan meesha ugu taal..!!. Uma ay ekayn Daar ay dhisteen Jiil weli Ifka ku nool. Quruumihii hore mid ay ka tageen oo laga dhaxlay ayay shaabahday, oo hadda raad-taariikheed ahaan un laga rabo...!!.


     Beertii weyneyd ee ku hareereysnaan jirtay Daartaas ayaa isu-baddashay sidii qayb ka mid ah lama-degaannada Afrika. Boor, Bus  iyo Siigo ayaa ka kacayay...!!. Dhirtii, Ubaxii, Geed-miroodyadii iyo Biyihii lagu waraabinayay oo dhan ayaa lagala dagaallamay.


     Waxaan dib u soo xusuustay  mar  80-meeyadii Beertaas  ay ka bixi jireen, shaqaaluhuna ka goosanayeen: Zeytuun, Babaay, Cambe, Qare iyo xitaa Rummaan.


     Daqiiqadihii aan meesha hor-taagnaa, oo yaab iyo fajac dhabannada la heystay, ayaa waxaan kaloo soo xusuustay bilicdii Golahaas min 70-meeyadii ilaa dhicitaankii Dawladii dhexe. Waxaa xusid gaar ah mudan 1974-kii markii Shir-Madaxeedkii Afrika lgu qabtay Golahaas.


    Weli waxaanan hilmaamin markii ay Golahaas Ubixii Kacaanku ka dhex-lahaayeen:-"Afrika iyo Eeshiya, Laatiin Ameerika,Umadaha Adoonsigu asaaggood ka reebow....Awoodda, Itaalka iyo Aqoonta isu geeya". Sidii ay Soomaaliya horseedka ugu ahayd dunidaas,oo saldhigguna ahaa Golahan ayaa meesha ka muuqanaya.Sida xaalku hadda yahay ayaa murugo leh iyo calool-xumo leh.


    Isla toddobaatameeyadii sow may ahayn markii aan Golahaas ka dhex-baraarujinaynay guud-ahaan Dadyowga Afrika,siiba kuwii weli ku hoos jiray Gumaysiga. Markaas oo aannu lahayn:-"Hoheey Afrikaay huruddooy, Cadow ku heeryee huruddooy, Halyeeyadaadii huruddooy, Haad baa cunaayee huruddooy...Haamaa la saaraa huruddooy, Hayin sidiisaa huruddooy, la hoggaaminaayaa...!!.Dulli lama hullaabsadee, aaway Hanaddadaadiii..?!!".


     Anigoo weli hor-taagan Daarta Golihii Ummadda ayaan haddana soo xusuustay, markii aannu Afrika ku lahayn:-"Geesiga-Madow guusha uma oggola Gumaysigu. Xarbi geeridiisii, kuwii gaystayee, Lamuumbana ka daba-geeyay ee gaaday. Gabraal Gumuc-rasaadeed la gaaray, kuwa gacalka moodee, wanaagga u galoow...!!. Goormaad wax garataan,,?!!. Goormaad ka gubataan..?!!. Goormaad gilgilataan...?!!.


     Asxaabtii ila socotay, ayaa arkay inaan aamusanahay, dhabannada heysto,murugadu iga muuqato, oo maqanahay. Waxayna i weydiiyeen, sababteeda.Waxaan ugu jawaabay:-"Fadlan dib iigu celiya Hotelkii aad iga soo kaxayseen, igana ag-dheereeya indha-xumidaan"...!!.


Caasimaddeennii oo ilmaynaysa ayaan soo arkay...!!


(Qaybtii 4-aad)


Markii aan dib ugu noqday Hotelkii aan degganaa, gabbalkiina uu dhacay, ayna xoogagga iska soo hor-jeedaa isku bilaabeen duqeynta xagga Madaafiicda iyo Hoobiyayaasha, ayuu fajacii iyo fikirklii i hayay igu sii lixaadsaday..!!.
Waxaan bilaabay inaan dib isu weydiiyo Madaafiicda, Hoobiyayaasha iyo duqeynta xoogga leh ee ay geysanayaan...!!. Intee guri ay hoos-jiifaan Caruur, Haween, Umullo, Waayeel iyo maati kale ah oo ay ku habsan karayaan..?!!.
Su'aashaas waxay ila ahayd tan ugu culus ee taalla Xamar-caddaheennii...!!.
Waxaan dib uga fekeray, oo isu-geeyay Xooggii Madaafiicda ee aan habeennadaas maqlayay iyo Warar aan Idaacadaha ka helayay oo sheegayay inay duqeyntaas ku le'deen Caruur badan oo dugsi Quraan ka buuxay kuna baranayay Quraanka Kariimka...!!.
Waxaan is-iri:-Burburka guud ee ku dhacay ka-sokow, dhiigga faraha badan ee ku dul-qubanaya ka-sokow, waxay Caasimaddeennu la ilmaynayso waa gar. Taas oo beri ka mid ahaan jirtay Caasimadaha Afrika iyo guud ahaan kuwa dunida 3-aad kuwooda ugu Nabadgalyada iyo degganaanta badan, uguna bilicda samayd.
Hurdo igama ay soo dhicin habeennadaas. Waxaan sii watay is-weydiinta ah sababta ay la ilmaynayso Caasimadeenna.Waxaa ii muuqday inay sababuhu ka mid yihiin:-
-Nabadgalyo la'aan iyo degganaansho-darri oo halkaas(Xamar) ku baahsan.
Ammaan-darridu waa dhibka ugu weyn ee haysta Caasimadeenna iyo inta ku noolba. Xitaa Daraasadihii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya inay Muqdisho ka mid tahay magaalooyinka adduunka kuwa ugu nabadgalyada xun.Waxaa loogu nool yahay hadda qaab argaggax,anfariir iyo ishaafalatayn un ah.
Is-diidka iyo is-waafaqid la'aanta dhex-taal dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya, ayaa ka mid ah sababaha ay la ilmaynayso Xaruntii dalka. Walow la og-yahay inay dhinacyadaas qaarkood fulinayaan danaha cadowga.
Waxaa loo ooman yahay, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed: Heshiis guud oo la gaaro, fara-gelin shisheeye la'aan. In laysku urursado Soomaalinimo, Waddaninimo iyo Daacadnimo(Axyaa wadanii, Axyaa wadanii, yaa Soomaali aheey..).
In meel looga soo wada-jeesto kuwa u adeegaya Cadowga. In lala dagaallamo danaystayaasha, dhuuni-raacatada iyo damiir-laawayaasha ay dawladnimadu dhibayso.
Sidaas ayaa dib laysugu keeni karaa dadka Soomaaliyeed ee laysku diray, lana kala didiyay. Waa sida lagu gaari karo Caddaalad iyo Sinnaan ijtimaaci ah, iyadoo aan la kala sed-bursan.
Waa sida ay Hay'adihii Qaranku ku soo noolaan karaan, kuna shaqayn karayaan laamihii dawladda. Waa dariiqa keeni kara inay dalka dib ugu soo noqdaan dadkii laga bara-kiciyay, ee haatan ku kala baahsan daafaha dunida,siiba: Aqoon-yahankii,Hawlwadeennadii qaranka, Saraakiishii sare, wax-garadkii, Culimadii, Farsamo-yaqaannadii, Ganacsatadii iyo dhammaan qaybihii kale ee bulshada.
Waxaan is-leeyahay: hadii inahaas la helo ayay ilmayntu ka ba'aysaa caasimadeenna iyo guud ahaanba geyigeenna. Waa tubta lagu daba-qaban karo dalkeennan dabinta ugu dhacay Cadowga...!!.


WD/Muxyaddiin M.Kaalmoy


kalmoi@hotmail.com



M.M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 3
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.