RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

Agoonta ha ka inkaarsan...!!- 12 Jun 2010
waxaa la daabacay Sat 12 Jun 2010 01: 44: 34

Waxaa Heshiis-shaqo( Caqdi-camal ) ayaan la saxeexday Wasaaradda W. iyo Barbaarinta ee dalka Yemen, sannad dhexdaas ahaa; kaas oo macallinnimo la iiga hawl-geliyay Gobolka "Xaja" ee isagu ku yaalla dhanka Woqooyi-Galbeed ee Sanca.


     Dugsiga aan ku meeleysnaa, ayaa wuxuu ku yaallaa deegaanka buuraleyda ah ee "Washxa", kaas oo dhinaca ku haya xadka uu dalka Yemen la wadaago dalka Sacuudiga. Waxay nolosha dadka deegaankaasu ku tiirsan tahay: dhaqashada Xoolaha,Ganacsiga iyo Beero-falasho u badan kuwa Qaadka, iyo weliba soo saarka Malabka Shinnida.


     Maalin ayaa goor ay xisaddii 3-aad soo dhammaatay, laguna jiray xilliga Quraacda, ayay dagaallameen laba Arday oo dhowr iyo toban jirro ahaa; kuwaas oo aan dherer iyo lixaad kale toonna is-dheerayn.. Ka-dib, annagii macallimiinta ahayn, ayaa kala dhex-galnay oo kala canaanannay labada Wiil.


     Labada arday ee dagaallantay midkood wuxuu ahaa "Agoon", aad ayuuna u akhlaaq iyo aqoon fiicnaa. Ardayga kale, waxaa dhalay nin aad u xoog weynaa, dhaqaale-ahaanna iska ladnaa, oo muddo ka soo fara-qabsaday ganacsi uu gudaha Sacuudiga ku heysan jiray.


     Daqiiqado ka-dib, markii ay dhamaatay Dirirtii labada arday iyo heshiisiintoodiiba, ayaa waxaa soo caga-dhigtay; Xoog-weynihii aabbaha u ahaa labada arday midkood. Salaan ka-dibna wuxuu toos u abbaaray Ardaygii Agoonka ahaa. Laad, Feer iyo Dhirbaaxo ayuu isugu daray "Agoonkii".


     Annagii macallimiinta ahayn, Ardadii iyo dad kaloo isu soo baxay, ayuu yaabkii naga dhammaaday:-Waa maxay ninka weyn ee dilaya Agoonka yar ?!!- ayaa la wada yiri.


     Xoog-weynuhu wuu isla sii qumanaa oo caaytamayay, Agoonkiina wuxuu ku barooranayay oo lahaa:-"Haddii uu Aabahay noolaan lahaa,ima uu dileen doqonkan". Illintii ayaannu ka tirnay Agoonka,waxaannu ku niri:-"Iska aamus oo ha ooyin, hadduusan aabbahaa noolayn, ilaah baa jooga, oo ma dhinte ah, isagaana ku kaafiya:...!!.


     Mr.Xoog-weyne,waxaannu u dhiibnay Booliska degmada, dhowr cashuuna xirnaa. Waxaa laga qaaday Ganaax-lacageed. Wuxuu xaal-marin siiyay macallimiinta iyo Odayaasha deegaanka. Xooluuna qalay, laakin intaas oo dhan ma ayan daweyn,mana ayan raalli-gelin Agoonkii loo itaal sheegtay; caradii Eebbana halkeeda ayay ahayd..!!.


     Intii uusan dhammaan Sannad-Dugsiyeedkii, ayaa xag Allah looga yimid "Aw-Xoog-weyne". Gacantiisii midig oo uu Agoonka ku darbeeyay ayaa qallashay(dhimatay). Dhinaciisii midig ilaa Kellida ayuu asiibay Cudur aan heybtiisa la aqoon. Saxaradii iyo Kaadidii ninka ayaa iska diiday in ay dibadda u soo baxaan.


     Takhaatiirta waaweyn ee Cisbitaallada "Xaja", "Sacda" iyo "Sanca" oo isugu jira Yemen,Masaari,Ruush iyo Jarmal iyo qalabkii casriga ahaa ee ay adeegsanayeen, ayaa irrid u yeeli kari waayay Cudurka asiibay "Xoog-weyne".Maalmo ka-dibna, Malakul-Mowd ayaa  soo xaadiray, ka-dibna, sidii uu u taahayay ayuu geeriyooday Ninkii. 


     Oday Deegaanka "Washxa" ka tirsan oo Sanca iigu warramayay ayaa igu yiri:-"Ustaadow, arrintu intaas kuma ay koobnaan,ee weliba wiilkii weynaa ee ninkana cudur "Kud" ah ayuu ku baxay,Xaaskii iyo Caruurtii yar-yarayd ee Xoog-weynana, xanuunno aan la aqoon bay la yaallaan, waxaanna kaba baqaynaa in ay reerku meesha wada-banneeyaan, lana waayo guud ahaanba  firka(faraca) Xoog-weyne". 


   Diinteenna ayaa ka digta dulmiga, xad-gudubka iyo wax u dhimidda Agoonta ama Xoolahooda oo lagu cuno xaq-darro. Dhanka kale, waxay Diintu bogaadinaysaa oo dhiirri-gelinaysaa: u adeegidda, kaalmeynta, quudinta, xannaaneynta iyo kafaala-qaadidda Agoonta. Jannada ayaana loogu bishaareeyay ruuxii wanaaggaas geysta....


WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy  kalmoi@hotmail.com 



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 4
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.