Waxaan Baabuur isla soo raacnay oday waayeel ah, sida uu sheegayna ka mid ahaa ciidamadii hore ee Xogga dalka Soomaaliyeed balse in ka badan 30-sano uu ahaa howl-gab kana soo qeyb galay dagaalkii 1964-kii ee dhex maray dowladihii Soomaaliya iyo Itoobiya guul aad iyo aad muhiim u ahna ay ka soo hooyeen ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo xilligaa dhisnaa muddo afar sano ah.
Sida uu sheegay odaygu waxaan dhageystay ayuu yiri Idaacadda BBC-da ee duhurnimo, waxaana ka maqlay buu yiri in maamul goboleedka Puntland uu shirkado qaas ah ogolaansho u siiyay inay daabacdaan lacago Shilin Soomaali been abuur ah.
Odayga waan la sheekeystay, oo waxaan weydiiyay "Adeer maxaad la yaabtay?, haddii ilaa 1960-kii oo aan xornimada qaadanay aad soo joogtay oo aad goobjoog ka ahayd dhacdooyin badan oo soo maray dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobihii aad ku nooleyd".
Odaygu wuxuu yiri: "Arreey waa yaabay maandhow, fool xumo kasta u soo joogay, wanaag kastana soo arkay, waxaan soo joogay jago dowladeed oo laga faataxeeyay, waxaan soo joogay Soomaali xornimo raadineysa iyo Soomaali diideysa oo u adeegeysa gumeystihii dalka gumeysan jiray, waxaan soo joogay maamuladii musuqmaasuqa oo wax kasta qabiilka laga horumarin jiray, waxaan soo joogay doorashadii Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharma'arke oo markii ay kala badin waayeen oo mudanayaashii Baarlamaanka si is la'eg ugu codeeyeen, nin ka tirsanaa mudanayaasha Baarlamaanka oo jiifay Isbitaal Digfeer uu codkiisa siiyay C/rashiid, ninkaas oo ay dhalasho is xigeen Aadan Cadde balse waxay ahayd Dimoqoraadiyad.
Waxaan soo joogay markii laga guuleystay Aadan Cadde oo si Dimoqoraadiyad iyo kalsooni leh uu u ogolaaday doorashada, nin maanta jooga Muqdisho oo weliba Dowladda Federaalka KMG ah xil ka haya oo markaas Weriye ka ahaa Raadiyo Muqdisho uu qoray maqaal uu aad ugu ammaanayo C/rashiid Cali Sharma'arke isaga iyo qoyskiisaba kuna dhaleeceynayo Madaxweynihii ugu horeeyay Jamhuuriyadda Soomaaliya Aadan C/lle Cusmaan (Aadan Cadde) arrintaas oo uu aad uga xummaaday Ra'iisal Wasaarihii xilligaas C/risaaq Xaaji Xuseen weriyihiina shaqada ka ceyriyay.
Waxaan u soo joogay marxuum Maxamed Siyaad Barre horumarkii iyo dhismihii uu dalkan gaarsiiyay iyo sidii uu markii dambe u fuuqsaday isaga kaddib markii uu wax kasta ka horumariyay inuu jagada sii heysto, waxaan u soo joogay hoggaamiye kooxeedyadii xaafadaha Muqdisho qeyb qeyb iyo fallar fallar u xirtay lagana yaabee in degmada ugu yar degmooyinka Muqdisho ay dhowr hoggaamiye kooxeed u kala qeybsaneyd.
Waxaan u soo joogay kooxihii Maxkamadaha oo wiilal yar yar oo qaangaar ahi intey karbaashyo soo qaataan jidadka ku karbaashaya rag iyo dumar waayeello ah dalka iyo dadkana u soo halgamay lagana yaabee qaarkood inay ka mid ahaayeen Xisbigii SYL iyo SNC, ama Saraakiil billado dahab ah ku qaatay sidii ay dalka u difaaceen, dhallinyaradaas oon garaneyn waxa ay ku karbaashayaan qofkaan, balse aan u qaatay uun inay ahayd wixii caruur dugsigu u aqoon jireen fara-maceysi, waxaan u soo joogay hoggaamiye Madaxweyne ah oo marka uu khudbeynayo aayado diini ah soo qaadanaya isla markaas Madaxweynenimadiisu aysan dhaafsiisneyn NGO looga qeyb galo shirarka caalamiga ah.
Waxaan u soo joogay ciidamada dowladda Federaalka ah oo goob iska nabdoon nabadgelyo xumo ka abuuraya, jawi iska degenna u bedelaya jawi dagaal, dad la iska xirxirayo sabab la'aan, mooryaantii 17-ka sano oo ciidan Qaran loo bedelay iyo dhacdooyin badan oo aanan soo koobi karin, weligeyse ma maqal maamul sharciyeynaya sharci darro sida laga soo weriyay maamul goboleedka Puntland oo sida Saxaafaddu sheegtay ganacsato qaas ah u ogolaaday inay lacago FAALSO Shilin Soomaali ah daabacdaan lana soo weriyay in degaanada Puntland ay ku sugan yihiin Makiinadihii iyo Warqadihii laga daabici lahaa lacagtaasi" ayuu odaygaasi waayeelka ah hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.
Waa yaabe, maxay dhacdadaasi uga aamusan tahay Dowladda Federaalka ah?, mise iyadaaba la qabta, oo waa ra'yi loo dhan yahay, maase loo naxo shacabka Soomaaliyeed oo gees ka gees la ciir ciiraya sicir barar isna sababay in ummaddii Soomaaliyeed ay wajahdo CAGA BARAR kaddib markii Shilin Soomaaliga wax looga gadan waayay.
Si kastaba Dowladda Federaalka, Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo qeybaha bulshada waxaa la gudboon in loo guntado sidii loo badbaadin lahaa haraaga ummadda Soomaaliyeed oo inta soo hartay ay halis ugu jiraan inay baahi u le'daan.

W/Qoray: Socdaal
E-mail: towfiiq@hotmail.com