Dalka Soomaaliya oo aysan ka jirin dowlad Awood leh mudo 20-sano ku dhawaad ayaa waxaa ka socda dagaal
Wakaaladda Wararka Shiinaha ee (Xinhua) oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa daabacday in xilligan aysan Qarammada Midoobay u diyaarsanayn inay ciidamo u dirto Soomaaliya, iyadoo saraakishu ay ku tilmaameen in Soomaaliya ay ka jirto khatar aan loo baabacdhigi karin.
Saraakiishan waxay sheegeen in Ciidamada AMISOM ee taageera Dowladda awood ahaan liitada ee Soomaaliya ay dhici karto in loo kordhiyo waqtiga, maadama ay dagaal adag kula jiraan kooxo hubeysan oo Islaamiyiin ah.
Ma'suuliyiinta u hadlay Qarammada Midoobay ayaa waxay u sheegeen AFP in dalka Soomaaliya uu gabi ahaan gacanta ugu jirto Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacansaar la leh Ururka Al-Qaacida, taasna ay qayb ka tahay sababaha aan ciidan ka socda Qarammada Midoobay loogu diri karin Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM ayaa waxay ku joogaan xilli ay u qabteen Qarammada Midoobay iyadoo Madaxda Afrika ay dhowr jeer ku celceliyeen in lagu badalo kuwo ka socda Ummadaha Midoobay, iyadoo Madaxda UN-ku ay horay u diideen inay ciidamo u diraan Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya oo aysan ka jirin dowlad Awood leh mudo 20-sano ku dhawaad ayaa waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo Dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, taasoo aan awood u lahayn inay maamusho guud ahaan Dalka.
ceelqaboobe.com
calidhuux86@hotmailcom