Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay bandhigay miino aan qarxin oo ay sheegeen inay kasoo saareen degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho.
"Miinadaan waxaan kasoo saarnay meel ku dhowr halkii ay ka qaraxday miino dishay ruuxii duugayay, iyadoo miinadan laga saaray qaybta qaraxa sameynaysay," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamarjajab C/baasid Maxamed Xasan oo saxaafadda la hadlay.
Gdegmada Xamarjajab ayaa Sidoo kale sheegay wiil saaxafadda loosoo bandhigay inuu ka tirsan yahay kooxaha kasoo horjeeda, laguna soo qabtay howlgal ay shalay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Xamarjajab.
"Baaritaannadu way soconayaan inta laga sugayo ammaanka, waayo inta ay jiraan kuwo ammaanka caqabad ku ah maamulka gobolku ma joojinayo howlgallada," ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Xamarjajab.
Maamulka gobolka banaadir ayaa todobaadkan ka waday degmooyinka yar ee ay gacanta kaga hayaan Muqdisho baaritaanno ay sheegeen inay kaga hortagayaan qaraxyo iyo falal ka horimaanaya ammaanka wax u dhimaha.
Habeen hore ayaa waxaa qarax geystay dhimashada hal qof uu ka dhacay buundo kala qaybisa degmooyinka Waaberi iyo Xamarjajab, taasoo ay dowladdu soo bandhigay maydka qof ay sheegtay inuu xirayay oo ay ku qaraxday.
ceelqaboobe.com