Dowlada Soomaaliya xili magaalada Muqdisho ay ka wado howlgalo lagu xaqeejinayo amaanka magaalada ayaa hadana waxaa dhacaya maalinwalba qaraxyo iyo dilal qo
Taliyaha Ciidamada Nabadsugida G/Banaadir khaliif Axmed Ereg ayaa maanta ka badbaaday qarax la doonayya in lagu khaarijiyo oo loo geliyay meel aan ka fogeyn hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.
Khaliif Axmed Ereg oo saxaafada la hadlay qaraxaasi kadib ayaa sheegay in qaraxa loo geliyay wadada qarkeeda uu ahaa Miino la doonayay in isaga lagu dilo, islamarkaana uu Illaah ka badbaadiyay.
Sidoo kale arinta Qaraxaasi waxaa maanta ka hadlay Taliyaha Ciidamada Booliska G/banaadir Axmed Xasan Maalin waxa uuna sheegay in ay qabteen wiil dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in uu ka danbeeyay qaraxaasi cadaaladana ay horkeeni doonaan.
Xili ciidamada dowlada Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ay ka wadaan howlgalo lagu xaqeejinayo amaanka magaalada ayaa hadana waxaa dhacaya maalinwalba qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geysanayo dad bulshada magac ku leh.
Xarakada Al-shabaab ayaa hore u sheegtay in ay beegsan doonaan xubin kasta oo ka mid ah dowlada Soomaaliya hadii uu ahaan lahaa Mas'uul ama Askeri, islamarkaana ay siiwadayaan dagaalada ay kula jiraan dowlada Soomaaliya.
ceelqaboobe.com
calidhuux86@yahoo.com
calidhuux88@hotmail.com