Maamulka Beledweyne ayaa kusoo beegmaya xili Kooxo Hubeysan shalay magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku dileen Engineer Caan ah
Duqa magaalada Beledweyne Maxamed Xasan Nuuriye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo saareen go'aan hubka sharci darada ah ee lagu dhex sito magaalada ayna mamanuuceen.
Maxamed Xasan Nuuriye Duqa magaalada Beledweyne waxa uu intaas ku daray in xaafadaha magaalada beledweyne ay ka sameeyeen xarumo ay ka howlgalaan booliiska magaalada si loo xaqeejiyo amaanka magaalada, islamarkaana kooxo wax u dhimaya amaanka aysan u helin fursado ay dhibaato ku geystaan.
Maamulka magaalada Beledweyne waxa uu wacad ku maray in uu talaabo cad ka qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amaanka magaaladaasi islamarkaana ay ciidamada amaanka farayaan in ay habeen iyo maalin isha ku hayaan cida wax u dhimeysa deganaanshaha magaalada Beledweyne.
Amarka Maamulka Beledweyne ayaa kusoo beegmaya xili Kooxo Hubeysan shalay magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku dileen Engineer Caan ah oo qaabilsanaa dhismaha Garoomada Diyaaradahamagaaladaasi , iyadoo mudooyinkan uu ku howlanaa dhismaha Garoonka Ugaas Khaliif iyo Garoonka diyaaradaha Caabudwaaq.
Engineer-kan oo lagu magacaabi jiray Cali Xaaji Shirwac ayaa lagu dilay hoygiisa, markii ragg Bastoolado ku hubeysan ay madaxa ka toogteen.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya C/fataax Xasan Afrax ayaa ku eedeeyaydilkaas in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, isla markaana ay gurigiisa ugu soo galeen kooxo hubeysan oo dilay marxuumka.
"Ninkaas Engineer-ka Allaha u naxariisto nimankii dadka dili jiray ayaa dilay, Bastoolad ayay madaxa kaga dhifteen gurigiisa ayay ugu galeen, waxaa hada xaafadaas ka socda howl galo dad badan ayaa qabanay"ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax oo la hadlay BBC-da.
Xaalado kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Beledweyne waxaana jira dad aad u farabadan oo ciidamada Amaanku ay soo qabqabteen oo xiligaan Su'aalo lagu weydiinayo xabsiyada magaaladaasi in kastoo la sheegay qaar kood in lasii daayay.
Ceelqaboobe.com
Calidhuux86@yahoo.com
Calidhuux88@hotmail.com