RADIOBANADIR
faalmaadax.com
 saafi.co.uk
Bclub19.com
Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Alixzaan.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Allpuntland.com
Allsbc.com
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
 Baydhabo.com
BBC Somali
Belbela.com
Bishaaro.com
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boqolsoon.com
Bulshoweyn.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Buurweyn.net
Cadaado
calanka.com
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalkanews.com
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur.com

fiirsi.com
Furqanshop.com
galcad.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
 Gololey.com
Gobeey.com
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Hiiraan
Hilaaci.com
Hillaac.net
Hiiraannet.com
Hobyo-one
Horseednet
Huriwaa.com
Idamaale.com
iibka.com
iQraSomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
jiinwabi.com
Jilibweyn.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
jubbafc.com
Kacdoon.com
Kulmis.com
 Londoneyenet
Maktabada.com
Mareeg.com
MarkaCadey.Net
Markanews.com
Midnimo.com
Mudug online
 Muuqaal.com
Qaadisiya.com
Qorahay.com
RSTV Online
 saafifilms.com
Saxafada.com
Shabelle.net

 Shabelahasare

shaleemo.com
 Shaaciye.com

 Socdaal.com
Solanetwork.com
Somadic.com
Somali Media
Somali Yemen
Somali star TV
Somali start page
Somali wide
Somaliaswiss
somalibantu.com
 Somalidamanta
Somaliland talk
SomaliOz.com
Somaliswiss.net
Somaliweyn.com

somalisan

SomLove.com
Somsports.com
Tadkirah.com
Talowanaag.com
Unhs.us
Waayaha.net
Wardheernews
Wargeyska
WarQabad.com
 Warsheekh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xurnimo.com
Yaaqshid.com
Youtube Videos

Maareeyihii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xalay ladilay iyo baaritaano maanta ka socda degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarweyne- 05 Aug 2012
waxaa la daabacay Sun 05 Aug 2012 02: 36: 23
Baaritaanno adag oo ay sameynayaan ciidamada dowladdaayaa maanta laga bilaabay Degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab

Allaha u naxariistee waxaa xalay kooxo hubeysan ku dileen degmada Xamarweyne ee gobolka Baaadir maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Ibraahim Imaam Xalane, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay in ay ka baxsadaan goobtii ay falkaasi ka geysteen.


Qaar ka mid ah shacabka degmada Xaramar weyne ayaa sheegay in maareeyaha ladilay xili uu kasoo baxay masaajid ku yaal degmadaasi, iyadoo dilkiisa ay aad uga nexeen Eheladiisa iyo guud ahaan dadkii aqoonta u lahaa marxuumkaasi.


Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka goboka Banaadir iyo golaha xukuumada dalka ayaa ka hadlay dilka maareeyahawaxa ayna sheegeen inay ka dambeysay Al-shabaab, laguna jiro howgallo la doonayo in lagu soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.


Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gardhuub oo la hadlay dilkaasi kadib saxaafadda ayaa sheegay in ay baxsadeen kooxihii dilka geystay, islamarkaana ciidamadiisu ay rasaas ku fureen balse ay ka baxsadeen.


"Laba wiil oo dhuudhuuban ayaa maareeyaha dilay, waxayna u baxsadeen dhinaca degmada Xamar-jajab, inkastoo rasaas laga daba-riday balse way baxsadeen," ayuu yiri C/llaahi Sahal Gardhuub Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo intaas ku daray in uu aad uga xunyahay falka dhacay.


Dad badan oo shacab ah ayaa loo qabqabtay dilkaasi sida ay sheegeen mas'uuiyiinta dowadda waxayna intaas ku dareen in ay sameyn doonaan baaritaanno ku saabsan sidii loo soo qaban lahaa dadkii geystay falkaasi,hase yeeshee hore ayaa ciidamada dowladu ugu guuldareysteen soo qabashada kooxo sidaan oo kale dil ugu geystay dad mas'uuliyiin iyo shacab isugu jiray oo lagu dilay magaalada muqdisho.


Wasaarada arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay sugtay ammaanka Muqdisho iyadoo weli magaalada ay ka dhacayaan falal lagu ugaarsanayo dadka bulshada ka dhexmuuqda, taasi oo loo aaneeyo in loo dilo hadba xilka uu hayo,dhaqaalaha uu leeyahay ama magaciisa oo caan ah darteed.


Baaritaanno adag oo ay sameynayaan ciidamada dowladdaayaa maanta laga bilaabay Degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, iyadoo halka lagu dilay maareeyaha ay dhowr boqol oo mitir u jirto madaxtooyada Soomaaliya.


Dhanka kale Wasaarada Dekedaha, gaadiidka, cirka iyo dhulka ayaa ugu baaqday Hey'adaha amniga dowladda in baaritaan ay ku sameeyaan dilkii xalay loogu geystay degmada Xamarweyne Maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Ibraahim Iimaan Xalane.

Agaasimaha Wasaarada Dekedaha, Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilkaas, waxaana uu ka dalbaday Hey'adaha amniga dowladda in baaritaano deg deg lagu sameeyo, si gacanta lagu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay.

Maareeyihii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xalay maqribkii kooxo hubeysan ku dileen agagaarka Xaafada Via Roma ee degmada Xamar weyne ayaa waxa uu dilkaasi cabsi iyo wel-wel badan ku abuuray mas'uuliyiin badan oo ka mid ah dowlada Soomaaliya.

Dilka Mas'uulkaasi ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu dilo degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo uu qeyb ka noqonayo dilalka qorsheysan oo mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir


ceelqaboobe.com


calidhuux86@yahoo.com


calidhuux88@hotmail.com



Search here for every thing you wish to find more... it is Dynamic Search
Custom Search

Back to home|Top of the Page

Magaca:
Furaha
Online Users: 3
Total:  
 
 
Webstats© 2008 CEELQABOOBE.COM- All Rights Reserved |Designed by Ileys Technology Inc.