Allaha u naxariisto Saciid Fiidow waxaa Kooxaha Hubeysan ay ku dileen afaafka hore Masaajid ku yaal xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid
Allaha u naxariistee waxaa maanta muqdisho lagu aasay Gudoomiyihii ganacsatada Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa bacaad Siciid Fiidow Rooblle oo maqribnimadii xalay Kooxo Hubeysan ku dileen Masjid ku yeela deegaanka Suuqa bacaad ee magaalada Muqdisho.
Aaska marxuumkaasi ayaa waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin aad u farabadan oo isugu jirtay ganacsato iyo dadfweyne kale oo aad u farabadan oo dhamaantood muujinayay sida ay uga xumaayeen dilka marxuumkaasi, iyadoo Kooxahii dilka geystay ay ka baxsadeen goobtii ay wax ku dileen.
Allaha u naxariisto Saciid Fiidow waxaa Kooxaha Hubeysan ay ku dileen afaafka hore Masaajid ku yaal xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, xilli marxuumka uu ku howlanaa biyo qeybin dadka jameecada Masaajidka ay ku afurayeen.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka marxuumkaasi lagu dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragga dilka ka dambeeyay ay ahaayeen labo dhalinyaro oo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo madaxa ka toogtay.
Majirto ilaa hada cid sheegatay dilka marxuumkaasi sidoo kale lama hayo wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir wuxuuna ahaa marxuumkaasi shaqsi aad u firfircoon oo ay soo dhaweeyeen dadka suuqaasi waxaana maanta lagu aasay Qabuuraha deegaanka mariino .
ceelqaboobe.com
calidhuux86@yahoo.com
calidhuux88@hotmail.com